25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Shakiga inuu jiro heshiis qarsoodi ah oo Somaliland la gaartay DF oo sii xoogeysanaya

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa wajaheysa fadeexaddii ugu xooganeyd ee gudaha ah, kadib markii si rasmi ah u dhaqan-galay go’aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee fiisaha uga dhigtay habka online ah (e-Visa).

Mucaaradka Somaliland oo si adag u dhaliilay hanaanka ay xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro u wajaheyso arrintaan, ayaa shaki xooggan ka muujiyay inuu jiro heshiis qarsoodi ah oo u dhaxeeyay Muqdisho iyo Hargeysa, kaasi oo la xiriira go’aanka e-Visaha.

Xisbiga mucaaradka ee Kaah ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in arrintaan ay dhaawac weyn ku tahay Somaliland, iyadoo sida xukuumadda uga gaabsanayso arrintaan ku tilmaamay “mas’uuliyad darro iyo meeqaam xumo siyaasadeed”.

“Maxay xukuumaddu tallaabo uga qaadi wayday shirkadaha diyaaradeed ee fulinaya una hoggaansamaya amarka e-Visa Somalia? Waxaan arkayey warqad wiifto ahayd ay oo Wasaaradda duulistu ugu jawaabaysay muwaadiniinteeda, halkii ay warqad amar ama digniin ah ugu qori lahayd cidda arrintaas ku kacday,” ayaa lagu yiri qoraalka xisbiga Kaah.

Somaliland oo shalay si kooban uga hadashay arrintaan ayaa sheegtay in culeyska ay dareemeen dadka ka imaanaya Mareykanka, Canada iyo Yurub, iyadoo la waydiinayo nidaamka Dowladda Federaalka ee e-Visa.

Wasaaradda Duulista Hawada ee Somaliland ayaa sheegtay in ay xiriir la sameysay dhinacyada ay quseyso, iyadoo markaas si adag uga digtay in arrintaasi la siyaasadeeyo, taasi oo maalmihii u dambeeyay si weyn looga fal-celiyay. Hase yeeshe, Somaliland ma qaadin tallaabo la taaban karo oo uga jawaabeyso arrintaan, waxayna ka gaabsatay inay shirkadaha diyaaradaha kusoo rogto amar ka dhan ah go’aanka dhaqan-galay.

Isniintii ayey ahayd, markii Guddoomiyaha xisbiga Kaah, Maxamuud Xaashi uu sheegay in garoonka Dubai ee Imaaraadka Carabta lagu weydiiyay e-Visaha Soomaaliya, si uu ugu socdaalo magaalada Hargeysa.

“Dubai ayaa laygu weydiiyey dal-ku-galka e-Visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, muran ayaan ku dhaafay, maanta waa la sii adkeeyey, xukuumaddeenna Somaliland ka aqbali mayno arrintaas waan ku dhaliilaynaa,” ayuu yiri Guddoomiyaha xisbiga Kaah.

Maxamuud Xaashi ayaa markaas hoggaanka maamulka usoo jeediyay in ay si dhab ah u wajahaan arrintaan, oo uu sheegay inay dhaawac ku tahay madax-banaanida ay ku doodo Somaliland.

Si kastaba, qofka wata baasaboorka shisheeye ee ku socda Somaliland ayaa haatan ku qasbanaanaya inuu jarto midka e-Visa ee Dowladda Federaalka, kaasi oo laga rabo in uu goosto ka hor inta uusan usoo safrin gudaha Soomaaliya.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka Kaah

FAAFIN RASMI AH: BARNAAMIJKA E-VISA

Barnaamijka e-Visa, Madax-bannaanida (Sovereignty), dhaqaalaha, Siyaasadda iyo bulshada Somalilandba waxa uu ku yahay dhaawac weyn. Balse sida xukuumadda aamusku astaanta u yahay uga gaabsanayso ee ay u marin habaabinayso waa mas’uuliyad darro iyo Meeqaam xumo siyaasadeed.

Dadka ugu badan ee Madaarka Hargeysa kasoo dega waa qurbe joogta oo haysta baasaboorrada dalal kale. Lacagta ay Visaha ku dalbanayaanna waxay ku dhacaysaa Hay’adda socdaalka iyo waaxda maaliyadda ee wasaaradda duulista iyo hawada ee Soomaaliya.

Diyaaradda Hargeysa kasoo degaysa ee muwaadiniinta Somaliland imanaya ku fulinaysa amarka Xamar, waa labo midkood:

1. Inay dabcsanaan iyo daciifnimo ka dareemeen xukuumadda Waddani ee xukunku haysa, iyo

2. In uu jiro qodob arrintaas ku saabsan oo Soomaaliya iyo Xukuumadda Waddani isla ogyihiin, shacabkauna aanay ogayn balse jugta un ay ku war heleen, ilayn waa umad xukuumadoodii afkaba buuq juuq uga odhan e.

Haddii aanay labadaas mid ahayn, maxay xukuumaddu tallaabo uga qaadi wayday shirkadaha diyaaradeed ee fulinaya una hoggaansamaya amarka e-Vsa Somalia? Waxaan arkayey warqad wiifto ahayd ay oo Wasaaradda duulistu ugu jawaabaysay muwaadiniinteeda, halkii ay warqad amar ama digniin ah ugu qori lahayd cidda arrintaas ku kacday.

Arrintan waxay culays daran saarayaa imaanshaha qurbe joogta oo Somaliland u ah il dhaqaale oo aad weyn. Sidoo kale Airport-ku waa ilaha dakhli ee dalka kuwa ugu waaweyn, taasina waxay dhaawacaysaa mid kamid ah ilaha dhaqaale ee dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News