27.5 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

5 arrimood oo guul wayn u ah mucaaradka dowladda

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad siyaasadeed oo culus, taas oo ka dhalatay khilaafka gudaha ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo mucaaradka, kaas oo meel xun gaaray, isla markaana isku beddalay gacan ka hadal, kadib markii todobaadkii hore ay labada dhinac ku dagaalameen saldhiggga Warta Nabadda.

Dagaalka ayaa sii xumeeyay xaaladda, waxaana kadib mucaaradka ay iclaamiyeen dibadbaxayo waa wayn oo ka dhacaya saddex goobood oo ku yaalla magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile, Tarabuunka iyo Siinaay oo kamid ah meelaha ay ka taagan tahay xiisadda ka dhalatay dhulalka danta guud ee laga barakiciyay dadkashacabka ah.

Inkastoo maanta dib loo dhigay mudaharaadyada, ayaa waxaa hadane, la’isku raacay in la qabto 9 maalmood gudahood, iyada oo laga fakirayo badqabka shacabka ka qayb-galaya.

“Mudaharaadku waa xuquuq dastuuri ah oo qof walba oo Soomaali ah uu leeyahay, sidaas darteedna ayaana ugu baaqnay, akhayaarta halkan fadhida ayaa waxa ay naga codsadeen mudaaharaadkaas inay u helaan hab nololeed oo daamaanad qaadayo nolosha dadka inaanan qatar la gelininin, waxaan isla garanay waqtiga ay ku dhici karto waana 9 maalmood gudahood ” ayuu yir Sheekh Shariif oo hoggaamiyo Madasha Samatabixinta.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Dhalinyarada wiilasha, gabdhaha iyo odayaasha ee runtii arrintaas ka shaqeynaayay waxaan ku amaaneynaa dadaalkoodii, waxaana ugu cudur daaraneynaa waqtiga isbeddalkiisa, laakiin waxaan ku beddalnay mudaharaad nabad ah oo aan khatar lahayn oo aan culeys lahayn” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Hadaba mucaaradka ayaa ku guuleystay 5 arrin waa wayn, sida uu shaaciyay Wariye Bashiir Maxamed Caato oo ka hadlay is haysiga madaxda dowladda iyo Madasha Samatabixinta.

Shan arrin Madasha mucaaradka waa u GUUL.

– In markii ugu horreeysay mucaarad ay Dowladda Federaalka kaga horyimaadaan wax aan siyaasad ama doorasho aheyn balse shacab dhibaateysan oo la garab istaagayo ay tahay, mucaaradka waa u GUUL.

– In iyadoon wax bannaanbax uusan dhicin Dowladda Federaalka ay culeys maskaxeed iyo mid bulsho ay dareento, mucaaradku waa u GUUL.

– In qof ama dad laga yaabay in maanta ay dhiman lahaayeen ama dhaawac soo gaari lahaa la baajiyay na, mucaaradku waa u GUUL.

– In haddii ay dhacdo in wadahadallo horleh ay mucaaradka la galaan Dowladda Federaalka, Villa Somalia iyadoo intii hore ka nugul ay miiska soo fariisatana, mucaaradku waa u GUUL.

– In haddii mucaaradka ay ku adkeysan lahaayeen dibadbaxa in uu dhaco, dadkii la filayay na aysan soo bixin ( ama dowladda waddooyinka haka xirto ama tiradii la rabay ba aysan soo bixin)  Madashu waxay ku noqon laheyd weji-gabax, in dibadbaxa uu baaqday na, mucaaradku waa u GUUL.

WQ Bashir Mohamed Caato

- Advertisement -

Read more

Local News