Shan Senatar oo maanta lagu dooranayo Afisyoone

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada kuraasta Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ayaa sii soconeysa, iyada oo maanta la dooranayo shanta kursi ee ka hartay kuraasta 11-ka ah ee ay Somaliland ku leedahay xubnaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka.

Kuraastan ayaa waxaa kan ugu yar ku tartamaya laba musharrax, halka midka ugu dabadana ay ku tartamayaan illaa saddex musharrax, waxayna isku arki doonaan:-

Kursiga Koowaad, Siciid Cabdi Xasan iyo Jaamac Cabdilaahi Maxamed. Kursiga labaad, Muno Cumar Xasan, Nacima Xasan Xaaji maxamuud iyo Sucaad Xasan Maxamed. Kursiga Saddexaad, Cabdirisaaq Axmed Cali,  Xasan Cabdi Gaas iyo Axmed Maxamed Siciid. Kursiga Afaraad, Axmed Ibraahin Maxamed (Qorane) iyo Baashe Maxamed Ismaacil. Kursiga Shanaad, Deeqa Xasan Xuseen iyo Hodan Abokor Xasan.

Qoraal kasoo baxay guddiga hirgelinta doorashada gobollada waqooyi ayaa looga codsaday musharixiinta inay waqtiga ilaaliyaan, isla-markaana ay soo xaadiraan hoolka Afisyoone.

Xubnahan ayaa waxaa dooranaya ergo lasoo xulay, oo kasoo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland, halka Senatarada kale ay soo doorteen xildhibaanada dowlad goboleedyada.

Doorashadan ayaa qorshuhu yahay in lasoo gaba-gabeeyo maanta, iyada oo shalay la doortay illaa lix Senatar oo ka mid ah kuwa gobollada waqooyi ee Somaliland.

Si kastaba, qabsoomida doorashadan ayaa daaha ka rogeysa horumar laga sii gaarayo doorashada, maadaama muddo fog uu khilaaf culus ka taagnaa kuraasta Somaliland.