25.8 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

Shaqaalaha Mareykanka oo laga saaray Bariga Dhexe xilli uu qarxi rabo dagaal culus

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) — Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Arbacadii sheegay in shaqaalaha Mareykanka laga daadgureynayo Bariga Dhexe oo uu ku tilmaamay “meel khatar ah”, kaddib markii wadahadalladii nukliyeerka ee Iran ay hakadeen, iyadoo cabsi laga qabo in xiisad ay ka aloosanto gobolka.

Trump wuxuu mar kale caddeeyay in uusan ogolaan doonin in Iran hesho hub nukliyeer ah, iyadoo warar isa soo taraya ay muujinayaan suurta-galnimada in Israel ay weerarto xarumaha nukliyeerka ee Tehran.

Dowladda Iran ayaa isla Arbacadii sheegtay inay beegsan doonto saldhigyada millatari ee Mareykanka ee gobolka haddii dagaal uu dhaco.

Mas’uul Mareykan ah ayaa hore u sheegay in tirada shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Ciraaq la dhimayo sababo la xiriira amni, iyadoo warar kale tilmaamayaan in shaqaale sidoo kale laga saarayo Kuwait iyo Bahrain.

“Shaqaalaha waa laga saaraya sababtoo ah goobtaasi khatar ayey noqon kartaa,” ayuu Trump u sheegay suxufiyiinta Washington, markuu ka jawaabayay wararka ku saabsan shaqaalaha la daad-gureynayo.

“Waxaan si rasmi ah u amarnay in la daadgureeyo, waxaana sugaynaa waxa dhaca.”

Trump wuxuu hadalkiisa ku daray: “Ma ogolaan doonno in ay helaan hub nukliyeer ah. Arrintu waa mid sahlan oo cad.”

Tehran iyo Washington ayaa tan iyo bishii Abriil waday shan wareeg oo wadahadallo ah, si loo helo heshiis cusub oo beddela kii 2015, kaas oo Trump uu isaga baxay sannadkii 2018 intii uu xilka hayay.

Labada dhinac ayaa la filayay inay mar kale kulmaan maalmaha soo socda.

Trump oo horay rajo uga muujiyay wadahadallada, ayaa wareysi uu Arbacadii bixiyay ku sheegay inuusan hadda si weyn ugu kalsooneyn in heshiis la gaari karo.

Tan iyo markii uu dib ugu laabtay xafiiska Janaayo, Trump wuxuu dib u bilaabay ololihiisii “cadaadiska ugu badan” ee Iran, isagoo taageeraya dadaallada diblomaasiyadeed balse isla markaa uga digaya in tallaabo ciidan la qaadi karo haddii wadahadalladu fashilmaan.

Madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay inuu ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu in uusan weerarin xarumaha nukliyeerka Iran si loo siiyo wadahadallada fursad. Si kastaba, wuxuu si isa soo taraysa u muujinayay in dulqaadkiisu sii dhammaanayo.

Dowladda Iran ayaa ka digtay in haddii weerar lagu qaado, ay si adag uga jawaabi doonto.

“Dhammaan saldhigyadooda gobolka way na hor yaallaan, waanan ognahay meelaha ay ku sugan yihiin. Iyadoo aan wax shaki ah jirin, waxaan beegsan doonnaa dhammaan saldhigyadaas ku yaalla dalalka ay joogaan,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Iran, Aziz Nasirzadeh, isagoo ka jawaabaya hanjabaadaha Mareykanka ee ah in la qaadi doono weerar haddii wadahadalladu guul darreystaan.

– ‘Khasaaraha ugu badan iyaga ayaa qaadi doona’ –

“Insha Allah, xaaladdu heerkaas ma gaari doonto, wadahadalladuna wey guuleysan doonaan,” ayuu yiri Nasirzadeh. “Laakiin haddii dagaal dhaco, khasaaraha ugu badan Mareykanka ayaa la kulmi doona.”

Mareykanka wuxuu saldhigyo badan oo millatari ku leeyahay Bariga Dhexe, iyadoo saldhiggiisa ugu weyn uu ku yaallo dalka Qatar.

Bishii Janaayo 2020, Iran ayaa gantaallo ku garaacday saldhigyo ku yaalla Ciraaq oo ay joogeen askar Mareykan ah, si ay ugu aargudato duqeyn Mareykanku ku dilay Jeneral Qasem Soleimani oo lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee Baghdad.

Weerarkaas waxaa ku dhaawacmay askar badan oo Mareykan ah, kuwaas oo la il-daran dhaawacyo xagga maskaxda ah.

Iyadoo ay sii kordhayaan xiisadaha, UK Maritime Trade Operations—oo ah hay’ad uu maamulo ciidamada badda Britain—ayaa markabka kasta kula talisay inuu si taxaddar leh uga gudbo Badda Gacanka.

Iran iyo Mareykanka ayaa hadda ku lug leh is-mariwaa diblomaasiyadeed oo ku saabsan bacraminta uranium-ka. Tehran waxay ku andacoonaysaa in arrintaasi tahay “xuquuq aan laga gorgortami karin,” halka Mareykanka uu ku tilmaamay “khad cas.”

Iran waxay uranium u hodmisaa illaa 60%, taasoo aad uga badan xadka 3.67% ee lagu heshiiyay 2015, inkastoo ay wali ka hooseyso heerka 90% ee loo baahan yahay si loo farsameeyo madaxyada nukliyeerka.

Waddamada reer Galbeedka ayaa muddo dheer ku eedeynayay Iran inay doonayso inay samaysato hub nukliyeer ah, hase yeeshee Tehran ayaa mar kasta ku celisa in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid ujeedkiisu yahay nabad.

Toddobaadkii hore, Hogaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa sheegay in hodminta uranium-ka ay tahay “furaha” barnaamijka nukliyeerka Iran, isla markaana Mareykanka uusan wax door ah ku yeelan karin arrintaas.

Wareysi uu Trump siiyay barnaamijka “Pod Force One” ee New York Post—oo la duubay Isniintii—ayuu ku sheegay inuu sii luminayo rajadii uu ka qabay in heshiis la gaaro.

“Ma hubo. Hore ayaan u filayay in heshiis la gaari doono, balse hadda kalsooni igama hayso. Waxay u muuqdaan kuwo dib u dhacaya, waana arrin laga murugoodo. Hadda waxaan ka niyad jabsanahay sidii aan dhowr bilood kahor ahaan lahaa,” ayuu yiri.

Iran waxay sheegtay inay diyaarinayso soo-jeedin cusub oo ka duwan midda Washington, taasoo ay horay u cambaareysay maadaama aysan waxba ka beddelin cunaqabateynta—arrin muhiim u ah Tehran oo muddo sanado ah la daalaa-dhaceysay culayskooda.

- Advertisement -

Read more

Local News