Shaqaale ka tirsan guddiga doorashada KENYA oo weerar culus lagu qaaday

Nairobi (Caasimada Online) – Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka dalka Kenya ayaa sheegay in shaqaale ka tirsan guddiga oo isu diyaarinayay jawaabaha codsiyada doorashada ee laga gudbiyay maxkamada sare la weeraray habeenkii Isniinta aheyd.

Sida laga soo xigtay guddiga IEBC, kooxda weerartay shaqaalahooda habeenimadii Isniinta ayaa hubaysnaa, waxayna ka baxsadeen, kadib dhacdadaasi.

Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in ragga weerarka fuliyey ay ahaayeen koox la soo abaabulay, isla-markaana isku dayeen inay weerar ku qaadaan shaqaalaha IEBC

“Abaaro 8:30 fiidnimo koox abaabulan oo sita hub ayaa isku dayay in ay weerar ku qaadaan shaqaalaha IEBC ee diyaarinayay jawaabaha codsiyada doorashada madaxweynaha.” ayay guddiga ku ku sheegeen qoraal ay soo dhigeen bartooda Twitter-ka.

Arrintaan ayaa ku soo aadeyso, ayada oo hoggaamiyihii hore ee mucaaradka Kenya, Raila Odinga iyo kooxdiisa ay maxkamadda ugu sarreysa dalkaas u gudbiyeen gal dacwadeed ka dhan ah natiijada doorashadii dhowaan ka dhacday Kenya, taas oo madaxweyne loogu doortay madaxweyne ku xigeenka hataan xilka haya ee dowladda Kenya, William Ruto.

Kiiska Odinga ayaa waxaa sii xoojinaya in afar ka mid ah 7 xubnood ee doorashada  oo ay ku jirto guddoomiye ku xigeenka Juliana Cherera  ay qaadeen tallaabo aan caadi ahayn oo ay ku diideen natiijada.

Si kastaba, maxkamadda sare ee Kenya ayaa horey u laashay guushii uu madaxweyne Uhuru ka gaaray doorashadii 2017-kii, waxayna amartay in doorashada markale la qabto.