Muqdisho (Caasimada online) Ururka Kubada Cagta Afrika ee CAF ayaa agaasimaha xafiiska wax barashada Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Maxamed Axmed u magacaabay in uu noqdo Qiimeeye Garsooreyaasha CAF.
“Cali Maxamed Axmed waa macallin soo saara garsooreyaasha soomaaliyeed (Technical Referee instructor) waxaana sidoo kale isaga iyo laba macallinoo Soomaliyeedoo kala ah Aweys Axmed Jimcaale iyo Cabdi Cabdulle Axmed (Baasaale) ka qeybgeli doonaan kooraska FUTURO III course oo loo qabto macalimiinta garsooreyaasha ee wadama adduunka laguna qaban doono Addis ababa 5-10 October ee sandknaan”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka maanta kasoo baxay xafiiska warfaafinta xiriirka Soomalaiyeed ee kubada cagta.
Cali Maxamed Axmed waxuu sidoo kale masuul ka yahay dhinaca aqoonta, waxbarashada iyo seminaarada xiriirka Kubadda cagta isagoo ah ama madaxa waxbarashada xiriirka isagoo qeyb muhiima ka ahaa horumarkii ballarnaa ee xiriirku ku tallaabsaday 6dii sano ee ugu danbeysay taasoo ahayd dhinaca aqoonta iyo seminaarada dibadda iyo gudaha dalka ee loo qabtay garsooreyaasha, tababarayaasha, maamulayaasha iyo caafimaadka isboortiga ee xiriirka K/Cagta.
“Magacaabistan ayaa imaaneysa iyadoo xoghayaha xiriirka Sooamaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab uu hada ku sugan yahay dalkla Tahiti isagoo xubinka ah gudiga sare ee FIFA ee maamulaya tartanka FIFA beach soccer world cup ee maanta daklka Tahiti ka furmaya”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri afhayeenka xiriirka Sooamlaikyeed Shaafici Muxuyadiin Islow oo intaana sii raaciyay in ka mid noqsohada masuuliyiinta xiriirka ee FIFA iyo CAF ay muujineyso guul weyn oo usoo hoyatay shacbka soomaaliyeed maadama dalkan oo bur bursan ay hadna Soomaalidu si weyn uga dhex muquanayaan maamulka kubada cagta ee Afrika iyo kan aduunka.
Horay Soomaaliya laba xubnood ayay ugu lahay guddiga xeer ilaalinta Ururka kubada cagta Afrika ee CAF kuwaas oo kala ah Garsoore hore Xasan Maxamed Maxamuud (Farey) iyo Caamir Cabdi Xasan. Caamir sidoo kale waa madaxa dhaqaalaha ururka kubada cagta bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA.

