Maalmahaan waxaa aad u soo batay dad ka hadlaya sharcinnimada mooshinka laga keenay R/W Cabdiweli oo dadka qaar ku tilmaameen sharci-darro. Dadka fikraddaan faafinaaya waa kuwa tageersan Cabdiweli kuwaasoo isugu jira Wasiiro iyo xildhibaano iyo madaxda gobollada qaarkood. Waxay illawsan yihiin in dhaqan-xumada ka dhacday golaha shacabka oo isugu jirtay hees iyo firinmbi iyo mudaaharaad ka dhacay meesha ma sharci bey ahaayeen mase in falfal xumida ay ku keceen ay u heystaan sharci u fasaxaya waxay doonaan iyagoo weliba, nasiib darradooda, tira ahaan aad u yar.
Xikmada demoqaraadiyada waxay tahay ( the majority absorbs the minority) oo miceheedu yahay (tirada badani waxay liqdaa tirade yar) waana hal-ku-dheg ay adeegsan jireen ururada shaqaalaha. Haddaba taageerayaasha Cabdiweli waxay illaabeen in qaacidada ay ku dhisan tahay demoqaraadiyada ay tahay hadba tirade badan waxa ay rabaan ayaa sharci ah xataa haddii ay khaladan yihiin, waana tan adduunka oo dhan looga dhaqmo. Mareykanka ayaa ugu weyn uguna horreeya.
R/Wasaare Cabdiweli inuu khaldan yahay waxaa markhaati ka ah tallaabooyinka iyo go’aannada laab-la-kaca ah ay qaadayaan Cabdiweli Gaas iyo raciyadiisa oo bansiin ku shubaya khilaafka oo mid idaari ah (maamul) balse aan ahayn mid shakhsi ama isir neceyb midna sida uu caddeeyay Madaxweyne Xasan Seikh.
Kuwa soo saaraya warsaxaafadeed aad uga fog sharciyada dalka u degsan, una maleeya inay u adeegayaan Cabdiweli Sheikh ha ogaadeen inay mool dheer ku tureen fursadi uu heli lahaa mustaqbalka. Dalkaan dowlad ayaa ka dhisan, xildhibaannada noo akhrinaaya war-saxaafadeed ka soo baxay gobololada qaarkood oo dano gaar ah ka lahaa Caabdiweli Sheikh ha ogaadeen inay danahoodi iyo warqadihi ay la saxiixdeen R/Wasaaraha ay noqon doonaan hal bacad lagu lisay, waxaana saas ka dhigaya dhaqan-xumada ay ka wadaan dalka, iyagoo saadaalinaya in dalku dumi doono haddii Cabdiweli booska laga qaado.
Xildhibaanada handadaada hub ka dhigtay ha ogaadeen in cid Cabdiweli ku heyn karta jagada aysan jirin, sababtuna waa isagoo aaminay dad ficil fallaaga ah ku kacaya ay mesha xoog ucu celin karaan…xataa beesha caalamka ayuu u sheegay Madeaxweyne Xasan Sheikh inay xuduudooda ku ekaadan, ayna ixtiraamaan madaxbanaanida Somaliya, waana qaateen kuna qanceen!!!
Kuwa hurinaaya khilafka ee dabka ku shidaaya dantoodu ma ahan mid Somali u horsedeysa nabad, degganaan iyo shrciga oo lagu dhaqmo, waxayna raban in meesha ay fowdo noqoto, lagu dagaalo dalkana lagu kala cararo waxay moodeen in geedka ay harsanayaan hoostiisa haddii ay bohol ka qodaan inay badbaadayaan.
R/Wasaare Cabdiweli waxa u harsan wa laba beri, haddaba waxaa u sharaf badnaan lahayd inuu is.casilo inta uusan sharciga u degsan dalka uu bannaanka ku tuurin, kuwa hadda qeylinaya oo iska dhigaya muwaadiniin daacad ah, ha daba keceen oo meesheey ka yimideen ha ku laabtaano, dowladdu waa jiree Xasan Sheikh-na Madaxweyne ayuu ahnayaa.
Qaswadayaasha uu ugu firfircoon yahay Mr. Nicholas Kay, wakiilka Qaramada Midoobay, waxaana u direynaa farriinta hoos ku qoran oo af Ingiriis ah si uusan ugu baahan turjubaan.
Mr Kay, we feel sorry for you because of your short-sighted, suggestible and irresponsible comments you allowed yourself to insult two-thirds of Somali lawmakers as a free service you rendered for our PM. Strangely enough, it’s an act that puts you far from your assignment as an observer. If you think you can get away with this undiplomatic behaviour and continue staying in Somalia to destroy our fragile institutions, you are day-dreaming because we will take to the Security Council or any other disciplinary committee of the U.N.and display your poor performance, and added insult to injury by refusing to apologize, so that you will not be able to harm any other country in the world.
Waxaan si xushmad leh uga codsaneynaa Guddoomiye Jawaari inuu sharciga dalka iyo xeer hoosaadka barlamaanka uu dhaqan geliyo qof walibana wuxuu sharciga siiyo ay meesha ka qaadato, iyadoon cidla la dulmin ama xaqeeda laga horjoogsan.
W/Q: Axmad Calasow
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid