Nairobi (Caasimada Online) – Xisbiyada mucaaradka dowlada Kenya ayaa kasoo horjeestay sharciga la dagaalanka argagixisada oo dhawaan ay ansixiyeen baarlamaanka iyo madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.
James Orengo, oo ka tirsan xisbiga isbaheysiga dib u habeynta Dimuqraadiyada ee CORD ayaa u sheegay qaadiga ugu sareeyo maxkamada dalkaasi in sharcigaasi uu yahay waxba kama jiraan uuna ka hor imaanyo dastuurka dalkaasi u yaala.
Wuxuu ka dalbaday maxkamada sare ee dalkaasi inay dib u dhigto fulinta sharciga la dagaalanka argagixisada ilaa uu ka marayo ansixin sharci oo kama dameys ah.
“Dadka wey baqayaan aad ayayna kaga baqayaan sharciga cusub, wayna sahlanto in la fahmo baqdinta, tani waa qaabka kalitalisnimada iyo burburka ku bilaabanayo”sidaasi ayaa sidoo kale sheegay hogaamiyaha xisbiga CORD Raila Odinga.
Waxaa waajib nagu ah inaan ogolaanin qiyaanada lagu sameynayo xornimadeena iyo xuquuqdeena anagoo ka fogaaneyno afgambiga ka dhanka ah shacabkeena iyo dastuurkeena”sidaasi ayuu hadalkiisa kusii daray Mr Odinga.
Intii ay socotay dhageysiga maxkamada sare ayaa garsoore Lenaola wuxuu cadeeyay inuu joojiyay sharciga uuna sheegay in muhiimada ay tahay waxa u wanaagsan dhamaan shacabka reer Kenya.
Xisbiyada mucaaradka ee dalka Kenya ayaa sheegay in sharciga muranka badan dhaliyay ee la dagaalanka argagixisada uu Qatar ku yahay dalkaasi islamarkaana uu dhalin karo in kali-talisnimo ay ka hirgasho dalkaasi.
Sharcigaasi waxaa muran dheer kadib ansixiyay xildhibaanada baarlamaanka Kenya todobaadkii lasoo dhaafay, waxaana Jimcihii lasoo dhaafay saxiixay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
Waxay dalbadeen in la yareeyo awoodaha badan ee ku wajahan dadka lagu tuhmo argagixisonimo, waxaana sharciga ku jira in sanad qofka la xiro iyadoo aan dambi lagu soo oogin.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]