Shariif iyo CC Shakuur oo soo jeediyey tallaabooyin ay tahay in deg deg loo qaado

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda iyo siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa jawaabo isku mid ah oo kulul ka bixiyey heshiiska ay Addis-Ababa ku gaareen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Heshiiskaas is-fagarad ayaa dhigaya in Itoobiya ay Somaliland ka hesho dekad iyo BAD ay saldhig ka dhigtaan ciidamadeeda badda ee dhowaan dib loo aas-aasay.

Madaxweynaha Somaliland, oo ka hadlay shir jaraa’iid oo ay wada-qabteen Abiy Ahmed ayaa sheegay in Somaliland ay is-afgaradkan ku beddelatay in Itoobiya ay u aqoonsanto Somaliland dal madax-banaan marka heshiiska la saxiixo. Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro. Hoos ka aqriso jawaabaha.

Jawaabta Shariif Sheekh Axmed 

Heshiiska sharci darrada ah ee maanta ay wada gaareen RW Itoobiya iyo Madaxweynaha Somaliland, wuxuu xad-gudub ku yahay madaxbannaanida Dalkeenna wuxuuna ka hor imaanayaa qawaaniinta Adduunka.

Dowladda Itoobiya waxaan ugu baaqaynaa in ay ilaaliso deris wanaagga iyo xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labadeenna Dal.

Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay u midoobaan ilaalinta midnimadooda, Karaamadooda iyo Kheyraadka Dalkooda.

Ugu dambeyn Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaan ugu baaqaynaa in ay arintaan ka soo saarto go’aan deg deg ah oo ay ku caddeyneyso mowqifkeeda iyo waxa ay kala socoto heshiiskaas sharci darrada ah.

Jawaabta Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Maamulka Abiy Axmad ee dawladda Itoobiya wuxa uu ku xadgudbay gobanimada iyo madaxbannaanida qaranka Soomaaliya. Wuxuu kaloo ku xadgudbay xeerarka Qaramada Midooobay, Midowga Afrika iyo urur Gobaleedka IGAD oo dhamaantood adkeynaya dhowridda madaxbannaanida iyo gobanimada dawladaha xubnaha ka ah ururrudaas.

Anigoo ku kalsoon in laanta fulinta, labada aqal ee Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliya ay ka bixin doonaan jawaab u qalanta xadgudubka maamulka Abiy Axmad, ayaan waxaan adkaynayaa in daqiiqadani ay tahay tii midnimada iyo wadajirka lagu wajihi lahaa halista qaran iyo damaca gurracan ee Itoobiya.

Hadalladii hanjabaadda ahaa ee maalmihii danbe ka soo baxayey Raysalwasaaraha Itoobiya waxay ahaayeen kuwo walwal leh, tilaabta uu maanta qaaday ee qar iska tuurka ahna waa mid halis ku ah deris wanaagga labada dal, gobolkana u horseedaysa xasilooni darri.