25.8 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

SHARIIF oo u dacwooday dowladda Norway + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Oslo (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed oo haatan ku sugan magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Xog-hayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Norway mudane Andreas Motzfeldt Kravik oo ay ka wada-hadleen arrimo quseeya xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka.

Shariif oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in Andreas Motzfeldt uu kala hadlay sidii ay u dhici lahayd doorasho heshiis lagu yahay oo waqtigeeda lagu qabto, si looga gudbo marxaladda kala guurka ah ee haatan lagu jiro.

Madaxweynihii hore ayaa carrabka ku adkeeyay haddii aan la helin heshiis doorasho in ay keeni karto in dalka uu galo xasillooni darro siyaasadeed, ayna ka digayaan.

Sidoo kale waxaa kulankan lagu soo qaaday arrimaha ammaanka, gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxdaha argagixisada, si looga ciribtiro dalka oo dhan.

“Waxaan Magaaladda Oslo kulan kuwada qaadanay Xog-hayaha Arrimaha Dibadda ee dalka Norway mudane Andreas Motzfeldt Kravik. Waxaan kulankeenna diiradda ku saarnay la dagaalanka kooxaha argagixisadda iyo sida ay muhiim u tahay hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay islamarkaana wakhtigeedda ku dhacda, si looga hortago in dalkeenna Soomaaliya uu lugaha la galo hubanti la’aan hay’addaha dastuuriga ah, taasoo haddii aan laga heshiin arrimaha doorashooyinka abuuri karta xasillooni darro siyaaasadeed” ayuu yiri Shariif.

Mudane Shariif Sheekh Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa Norway uga mahadceliyay sida ay usoo dhaweysay Soomaalida faraha badan ee ku nool dalkaas, iyo taageeradeeda ku aadan Soomaaliya.

“Waxaan dowladda Norway uga mahad-celiyay soo dhaweynta iyo dib u dejinta ay u sameysay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda, anigoo sidoo kale boggaadiyay gargaarka bini’aadanimo ee gudaha Soomaaliya ay ka wado iyo kaalinta ay ka qaadanayso dib u dhiska dowladnimadda soomaaliya” ayuu mar kale yiri Shariif.

Horay Shariifka ayaa ula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Norway, isaga oo la wadaagay warbixin guud ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo muranka taagan.

Dhaq-dhaaqyadan siyaasadeed ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli ay taagan tahay xiisadda culus ee ka dhalatay hannaanka doorashooyinka oo ay isku hayaan Villa Soomaaliya, mucaaradka, Jubbland iyo Puntland.

- Advertisement -

Read more

Local News