Muqdisho (Caasimada Online) โ Siyaasiyiinta mucaaradka dowladda oo caawa shir jaraa’id ku qabtay Hotel Jazeera ayaa iclaamiyay mudahaaradyo waaweyn oo ka dhacaya magaalada Muqdisho.
Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, haatanna ah Guddoomiyaha Madasha Samatabixinta ayaa ku dhawaaqay in banaanbaxan oo uu sheegay inuu yahay mid nabadeed, uuna dhici doono maalinta Sabtida oo taariikhdu tahay 27 September 2025.
Shariif ayaa sheegay in bannaanbaxyada ay ka dhici doonaan saddex goobood oo kala ah Tarbuunka, Siinaay iyo Dayniile, isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay isugu baxaan, si looga muujiyo diidmada gaboodfalada ay ku kaceyso
“Waxaan rabnaa in umadda Soomaaliyeed u sheegno anaga dagaal ma rabno, xabado ma sidano, cid aan dhib ku nahay ma lahan, waxaase garab taaganahay dadka la dulminayo ee Soomaalida ee aragtaan,” ayuu yiri Shariif.
Waxa uu intaas kusii daray “Madashu waxay rabtaa inay ku baaqdo Soomaali meel ay joogto mudaharaad nabadeed, oo lagu diidan yahay falalka waxshinimida ah iyo dhul boobka ka socda magaalada Muqdisho.”
Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa tuugo ku tilmaamay dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay inay dhaaftay xuduudii sharci, isla markaana ay tahay in la iska qabto.
“Tuugada hadaanan ka hortagin guryaha ayay noogu imaanayaan, kuma joogsanayaan sidan. Waa is-mahdiyeen, oo xuduuda ayay dhaafeen, waxaa la rabaa in xadkoodii lagu celiyo,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.
Bannaanbaxan oo kusoo aadaya xilli xasaasi ah, ayaa noqon kar mid jid u fura kacdoon waqtigiisa ka soo hormara oo ka dhan ah dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, xilli ay wajaheyso fadeexado dhul boob ah, kadib markii kumanaan shacab ah laga kiciyay dhulalkii danta guud.
Hoos ka daawo muuqaalka