29.7 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Sheekh SHARIIF oo war culus soo saaray una digay CIIDAMADA

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii kumeel-gaarka ahayd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay maalinta qaran ee 12-ka April oo ah markii la aas aasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isaga oo dhanka kale digniin u diray ciidamada.

Ugu horreyn Shariif ayaa geesiyaasha Xoogga Dalka ugu hambalyeeyay sanad guurada 66-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskoodii, isaga oo sheegay inay ahay maalin wayn oo qiimo badan.

“Waxaan hambalyo iyo boggaadin u dirayaa sarreeyayaasha, saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifleyda iyo dableyda ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda oo u dabaaldegaya munaasabadda 12-ka Abril oo ku beegan 66 sanno-guuradii kasoo wareegtay aasaaska ciidanka”. ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in munaasabadda sanadkan ay kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla markaana ay taagan yihiin xaalado adag, ayna socdaan howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

“Munaasabaddani, waxay ku soo aadday xilli dalkeenna ay ka jiraan duruufo adag islamarkaana qaar ka mid ah geesiyaasha ciidanka xoogga dalka ay ku suganyihiin furimaha dagaalka, kuwaas oo naftooda u huraya difaaca dalka iyo dadka. Waxaan anigoo ka faa’ideysanaya fursadaan ku boggaadinayaa ciidanka qalabka sida nuucyadooda kala duwan inay sii laba jibaaraan dagaalka lagula jiro argagixisada”. ayaa lagu mar kale yiri Sheekha.

Dhanka kale, madaxweynihii hore ee dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay arrimaha ciidamada, isaga oo uga digay inay ku milmaan arrimaha siyaasadda, iyaga oo qaadanaya amarka madaxweynaha.

Shariifka ayaa carrabka ku dhuftay in arrintan ay dhaawaceyso sumcadda ciidamada iyo dhex-dhexaadnimadooda, isla markaana ay wax u dhimeyso kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

“Waxay u muuqataa in hoggaanka dalka uu kala qaybinayo ciidanka Qaranka isagoo ka leh danno siyaasadeed oo gaar ah, waxaana uga digayaa saraakiisha ciidanka, qaadashada amaro qaldan oo dhaawici kara dhexdhexaadnimadooda iyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed”. ayuu sii raaciyey.

Digniintan ayaa kusoo aaday, xilli dhawaan dowladda Soomaaliya ay howlgal culus ku qaaday Koonfur Galbeed, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga ay gudaha u galeen magaalada Baydhaba, iyaga oo kadib meesha ka saaray maamulkii uu hoggaaminayay madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen.

- Advertisement -

Read more

Local News