Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Muqdisho, xilli ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee dalka.
Shariif ayaa la kulmay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho Danjire Alper Aktas, kaasi oo uu kala hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee taagan.
“Waxaan maanta Magaalada Muqdisho kulan kuwada yeelanay safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan dalkeenna Soomaaliya Danjire Alper Aktas,” ayuu yiri Shariif oo qoraal kasoo saaray kulanka.
Kulanka ayaa sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray taageerada dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga, arrimaha doorashooyinka ee lagu muransan yahay iyo la-dagaalanka kooxaha argaggixisadda ah.
“Waxaan uga mahadcelinayaa dowlada turkiga taageeradeeda hagar la’aanta ah oo ay mar walba dalkeenna la garab taagantahay,” ayuu Shariifka ku yiri qoraalka uu soo saaray.
Kulankan ayaa imanaya xilli ay magaalada Muqdisho isugu yimaadeen dhammaan mucaaradkii dowladda, kuwaas oo ka soo horjeeda doorashada ay qabaneyso madaxda hadda talada heysa.
Sidoo kale waxaa magaalada Muqdisho ka socda qorshe uu mucaaradku ku qabsanayo shirweyne ballaaran, kaasi oo lagu muujinayo sida ay uga soo horjeedan hanaanka ay wax u wado dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

