25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Shariif Xasan oo billaabay olole la mid ah kii Donald Trump iyo qorshe cajiib

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasmada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ahna musharax ku taamaya inuu noqdo Madaxweynaha cusub ee Somalia, ayaa bilaabay ololo ka duwan tan ay wadaan Musharaxiinta.

Shariif Xasan oo galaangal adag ugu jira sidii uu ugu guuleysan lahaa Doorashada, ayaa waxa uu bilaabay in ololihiisa uu ku guto shabakada isku xirka ee Whatapp Group.

Shariif Xasan ayaa shabakadaani u sameystay si isaga iyo Xildhibaanada Maamulkiisa iyo kuwa ay jaalka yihiin ee ka tirsan Aqalka Hoose ee Barlamaanka ugu wada xiriiri lahaayen.

Shariif Xasan waxa uu sheegay in ujeedkiisa ugu weyn ee uu u sameeyay Whatapp Group, ay tahay inay kuwada xiriiran Xildhibaanada cusub isla markaana ay isku weydaarsadan xogaha iyo macluumaadka ku xeeran arrimaha doorashooyinka Somalia.

Qaabka Ololaha cusub ee Shariif Xasan ayaa shabahaaya ololihii Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump oo intiisa badan lagu sameyn jiray shabakada Whatapp Group.

Shariif Xasan ayaa waxaa ka go’an in Doorashada Somalia uu ku guuleysto, waxa ayna talaabadani noqoneysaa tii ugu horeysay oo uu sameeyo Musharax Soomaaliyeed.

Si kastaba ha ahaatee, Shariif Xasan ayaa doonaya in Guushiisa ay noqoto mid loo maray Social Media oo la rumeysan yahay in taageero badan uu ku kasban doono.

Caasmada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News