Shariif Xasan oo dagaal kula jira xildhibaano BF ka tirsan oo caqabad ku ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Axmed ayaa aad u dhaliilay Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia oo ka shaqeynaaya mooshin ka dhan ah joogitaankiisa.

Shariif Xasan, ayaa sheegay in Xildhibaanada qaar ay yihiin kuwo aad uga soo horjeeda jiritaanka maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia, balse aysan dhici doonin inay hirgasho riyadooda.

Shariif Xasan, waxa uu tilmaamay in Koonfur Galbeed aysan u joogsan doonin waxa uu ugu yeeray qaswadayaasha deegaanka.

Waxa uu carab dhabay inaanu hirgali doonin hamiga kuwa qorsheynaaya diyaarinta Mooshinka, waxa uuna cadeeyay inaanu u dulqaadan doonin shaqsiyaad isku uruursada carqaladeynta maamulka.

Sidoo kale, Shariif Xasan, ayaa xildhibaanada iyo dadka deegaanka ugu baaqay inay ilaalsadan maamulkooda, si deegaanka uu usii ahaado mid nabdoon.

Tani waxa ay kusoo beegmeysaa xili Xildhibaano ka tirsan Koonfur galbeed ay aad uga soo horjeesteen mooshin laga keenay Hogaamiye Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com