28.1 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Shariif Xasan oo Muqdisho soo gaaray iyo qorshe uu wato oo lagu wado inuu mardhow hirgalo (FAAH-FAAHIN)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Jimco ah, si weyn loogu soo dhaweeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan, afhayeenkii hore ee baarlamaanka Soomaaliya.

Shariif Xasan waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyay siyaasiyiin, wax-garad iyo xildhibaanno ay isku aragti yihiin.

Markii uu soo degay lama hadlin saxaafadda, balse illo ku dhow dhow waxa ay lee yihiin wuxuu magaalada Muqdisho u yimid qorshaha maamul cusub oo loo sameeyo gobalada Baay iyo Bakool iyo kuwa kale.

Qorshahan waxaa ku taageersan xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda beelaha digil iyo mirifle, kuwaasoo doonaya in maamul gobaleed loo sameeyo gobalada Baay iyo Bakool.

Imaashiyaha Shariif Xasan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya loo diidday in ay galaan magaalada Baydhabo, waxaa kaloo ka horeeyay dibad-baxyo looga soo horjeedo heshiiskii Addis Ababa ay ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka kumeel gaarka ee Jubba.

Dadka dibad-baxa ka qaybgalay waxaa ay sheegeen in ay ka bixi doonaan dowladda Soomaaliya isla markaana xildhibaannada iyo wasiirada uga jira dowladda ay kala soo bixi doonaan.

Dhinaca kale, siyaasiga Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa isna u sheegay warbaahinta gudaha in uu wado qorshe maamul gobaleed loogu sameenaayo gobalka Banaadir sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News