Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta halkaasi uu gaaray wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan.
Wafdiga Shariif Xasan waxaa qeyb ka ah qaar kamid ah golaha wasiirada ee uu dhawaan magaacay iyo xubno maamulkiisa ka tirsan, waxaana aad loo adkeeyay maanta amaanka magaaladaasi.
Maamulka degmada Bawaare, ayaa sheegay inay soo dhaweeyen madaweynaha maamulka koofur Galbeed, waxaana la sheegay in saacado uu ku sugnaanayo magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Bashiir Maxamed Yuusuf, ku simaha gudoomiyaha degmada Baraawe oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha uu kulamo la qaatay qaar kamid ah waxgaradka iyo shacabka ku dhaqan degmadaasi.
Wuxuu sidoo kale sheegay inuu sameeyay balanqaad ku aadan in wax badan laga badali doono xaalada degmada Baraawe iyo dhamaan deegaanada hoostaga, sida uu sheegay Bashiir Maxamed.
Degmada Baraawe ayaa ah xarunta maamulka uu madaxweynaha ka yahay Shariif Xasan Sheikh Aadan, waxaana u doortay ergadii soo dooratay madaweyne Shariif Xasa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]