27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

SHARIIF Xasan oo wada qorsho aan u cuntameynin beelaha dega K/Galbeed

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Koofur galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan uu wado qorsho uu xilka uga qaadayo Gudoomiyayaasha Degmooyinka iyo Gobolada hoostaga maamulkiisa.

Wararku waxa ay sheegayaan in Shariif Xasan uu iminka ku howlan yahay xilka qaadista Gudoomiyayaasha inkastoo Mas’uuliyiin saaxib dhow la ah ay sheegayaan inuu sameyn doono xil ka qaadis iyo isku shaandheyn.

Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa wado wada-tashiyo uu la sameynaayo Beelaha dega Koofur galbeed ee Somalia, waxaana la soo sheegayaa in qaar kamid ah beelahaasi ay ku gacanseeren dadaalada uu wado Madaxweynaha Maamulkaasi.

Beelaha qaar ayaa Shariif Xassan kula taliyay inuusan ku degdegin Isku shaandheynta iyo xil ka qaadista, iyagoona ka digay suuragalnimada dhibaatooyin ka dhasha.

Dhanka kale, qorshahaani ayaa waxaa hirgalintiisa kasoo horjeeda beelaha halkaasi dega, inkastoo Shariif xassan ay ka go’an tahay hirgalinta mowqifkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News