27 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Shariif Xasan oo weerar culus ku qaaday Xasan Sheekh

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ka hadlay ololaha xiligaani ka socda Somalia, ee u dhexeeya Musharaxiinta dooneysa in kursiga ay kala wareegan Xasan Sheekh oo wakhtiga ka dhamaaday.

Shariif Xasan ayaa sheegay in shaqsi ahaantiisa uu yahay Musharax u taagan inuu qabto Madaxtinimada Somalia, waxa uuna sheegay in wax xiriir ah uusan la laheyn Xasan Sheekh Maxamuud.

Shariif Xasan waxa uu tilmaamay in shaqsi ahaantiisa uu doonaayo Kursiga uu ku fadhiyo Xasan Sheekh, waxa uuna tilmaamay in Xasan Sheekh uusan aheyn Mas’uul muteysan kara inuu sii hayo xilka uu hadda sida KMG ah u hayo.

”Munaasib maaha in Xasan Sheekh uu xilka u sii hayo Umadda Soomaaliyeed waayo waxa uu Siyaasada kusoo koobay kuwa isaga saaxiibka la’ah iyo kuwa ay qaraabada wadaagan”

”Wey iga go’an tahay inaan Xasan Sheekh ka laali kursiga ma filaayo inaan la kulmi doono fashil marba haddii ay iga go’an tahay inaan isbedel la imaado”

Shariif Xassan waxa uu Tilmaamay in Xasan Sheekh uu xiligaani ka taagan yahay meel ebar ah, waxa uuna carabaabay inuu ku fashilmay Siyaasada isla markaana uusan garan karin sababta taageerada loogu muujinaayo.

Haddalka Shariif Xasan ayaa imaanaya xili Calaaqada kala dhexeysa Xasan Sheekh ay tahay mid aad u xun.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News