Nuneaton (Caasimada Online) – Nin Soomaali ah oo hore u codsaday magangalyo ayaa dalbanaya in dowladda UK ay dib ugu celiso Soomaaliya, isagoo ku dooday inaysan ammaan u ahayn inuu sii joogo magaalada Nuneaton ee gobolka Warwickshire.
Yusuf Ali Hamud, oo 50 jir ah, ayaa yimid UK labaatan sano ka hor si uu u helo magangalyo. Hase yeeshee, kadib markii lagu helay dambi weerar culus ah, waxaa laga qaaday xuquuqdiisii shaqo.
Hamud ayaa sheegay inuu shantii bilood ee la soo dhaafay si joogto ah uga dalbanayay Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Home Office) in dalkiisa dib loogu celiyo, balse weli uusan helin jawaab cad.
“Waddankani ammaan ma aha,” ayuu u sheegay weriyaha Sky News, Shamaan Freeman-Powell. “Laakiin dalkayga [Soomaaliya], maanta waan ku nabadgalayaa. Waxaan rabaa inaan dib ugu noqdo.”
Wuxuu ku eedeeyay Home Office inay iska indha-tireen codsigiisa, isagoo ku daray: “Haddii aanan xaq u lahayn magangalyo ama shaqo, maxaa igu haya halkan?”
Hamud wuxuu sheegay inuusan rabin inuu “halkan ku noolaado oo keliya cunis iyo seexasho, sidii ilmo yar,” balse uu doorbidayo inuu ku noqdo dalkiisa oo muddo dheer uu dagaal sokeeye ka socday tan iyo 1991-kii.
Tirakoobka dambiyada iyo musaafurinta
Xog la daabacay sanadkan ayaa muujisay in dhammaadka 2024 ay jireen 19,244 ajaanib dambiilayaal ah oo sugayay musaafuris. Tani waa koror ka yimid 17,907 markii xisbiga Conservative uu xilka wareejiyay bishii July, iyo 14,640 dhammaadkii 2022.
Markii la weydiiyay kiiska Hamud, Home Office ayaa u sheegay Sky News inaanay ka hadli karin kiis shakhsi ah. Si kastaba ha ahaatee, waxay sheegeen inay mar walba ku dadaalaan in laga saaro dalka dadka galay dambiyada culus — iyada oo lagu dhaqmo musaafurin khasab ah ama ku noqosho ikhtiyaari ah.
Dowladdu waxay qorsheynaysaa sharci cusub oo aan weli dhaqan gelin, kaas oo dhigaya in ajaanibta dambiyada culus gala si degdeg ah loo musaafuriyo isla marka xukun lagu rido.
Sanado dhow, tirada magangelyo-doonka Nuneaton waxay ahayd mid aad u yar, balse bishii June ee sanadkan waxay gaartay 247 qof. Tirooyinka ugu dambeeyay ayaa muujinaya in magaalada ay ku nool yihiin 19 qof oo magangalyo-doon ah 10,000 qofba, taasoo dhigaysa in Nuneaton ay gasho kaalinta 87aad ee magaalooyinka UK marka la eego isu-ururinta magangelyo-doonka.
Magaaladan ayaa sidoo kale noqotay goob ay ka jirto xiisad kacsan kadib markii laba nin oo la sheegay inay yihiin magangalyo-doon Afghani ah lagu eedeeyay inay isku dayeen kufsiga gabar 12 jir ah.
Xiisadda iyo cunsuriyadda Nuneaton
Wareysi Sky News ay la yeelatay Zahin, ganacsade 32 jir ah, ayaa lagu carqaladeeyay koox dumar ah oo ku qaylinayay aflagaaddo iyo erayo naceyb ah, carruurna la socdeen, halka mid ka mid ah haweenkaasi gacanta ku sidday koob khamri ah.
“Carruurteenna ayaad rabtaan inaad kufsataan,” ayay mid ka mid ah dumarka ku qaylisay. Mid kale ayaa ku daray: “Tani waa mushkiladda imaatinkiinna, waxaad dhibaateysaan carruurteenna.”
Zahin, oo lix jir ahaa markii uu ka soo guuray Malawi kuna soo barbaaray Nuneaton, ayaa dumarkii weydiiyay: “Maxaad carruurta u baraysaan?”
Wuxuu sheegay in si gaar ah loo beegsaday, isagoo aaminsan in lagu bartilmaameedsaday sababo diimeed, wuxuuna ku daray: “In naloo eedeeyo dambiyo aanan galin waa caddaalad darro.”
“Halkan waan jeclahay, waa magaaladayda,” ayuu yiri.