Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo abaaro xoogan ay ku dhufteen qeybo kamid ah Gobolada dalka, ayaa waxaa arrinkaasi ka hadlay Sheekh Bashiir Axmed Salaad.
Sheekh Bashiir, ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Boqolaal shacab iyo Xoolo ay dalka ugu dhintaan Abaaro iyadoo dadkuna ay yihiin kuwo aan wali gurmad siinin.
Sheekh Bashiir, oo arrintaani ka danqanaaya ayaa waxa uu ku baaqay in dhaqaalaha faraha badan ee lagu bixiyo qaadka loogu gurmado dadka Somaliyed ee xilligaan abaarta xoogan ay haysato.
Sheekh Bashiir, waxa uu sheegay in Gobolada dalka qaarkood, ay ka jiraan xaalad abaareed oo aad u adag, waxaana muhiim ah in dadka ay isku gurmadaan si xaaladan qatarta ah looga baxo.
Sidoo kale, Sheekh Bashiir waxa uu dadka ka ganacsada qaadka iyo kuwa cuna ugu baaqay in muddo kooban ay dhaqaalahooda ugu gurmadaan dadka Abaaraha u dhimanaaya.
Hay’adaha gargaarka ayuu sheegay in looga baahan yahay inay la degdegaan gurmadkooda, waxa uuna Sheekh Bashiir walaac ka muujiyay sida ay xaaladu tahay.
Ma jirto cid ilaa iyo hadda gurmad la gaartay Gobolada ay Abaaruhu ku dhufteen.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]