Sheekh Shakuul: Waxaan ka naxay qodob ka mid ah heshiiska Somalia iyo Kenya

Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Ibrahim Shakuul oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Kenya ayaa ka hadlay heshiiska ay wada gaareen xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi, kaas oo ay wada saxiixeen madaxweynayaasha labada dal.

Shakuul oo u warramay Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in uu ka naxay qodobka la xiriira dib u fasaxida Qaadka, kaas oo ay Soomaaliya ku bedelatay Kalluunka.

Sheekha ayaa tilmaamay in Qaadka uu dhibaato weyn ku hayo Soomaaliya, uuna sabab u yahay burburka dalka, kan qoysaska, Diinta iyo dhinaca dhaqaalaha.

“Meesha Qaadku anniga oo og inuu yahay shey aad u xun oo buburka Soomaaliya aan oran karo qeyb weyn buu ka yahay dhinaca qoyska marka laga fiiriyo dhinaca Diinta dhinaca dhaqaalaha, haddana haddii loo eego baaxadda ganacsiga kalluunka Soomaaliya, haddii si fiican looga faa’iideysto iyo ganacsiga Qaadka wax isku dhigmo ma’aha oo hal gobol oo Miru la yiraahdo ayuu kasoo baxaa, waana dhib runtii” ayuu yiri Sheekh Maxamed Shakuul.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in qodobkan uu aad uga naxay, balse wuxuu tilmaamay heshiiska marka la’eego 70% in ay faa’iido ugu jirto Soomaaliya, siiba marka laga tego qodobka la xiriira Qaadka haatan dib loogu soo daabulayo magaalada Muqdisho.

“Waa qodob runtii aan aad iyo aad uga naxay qodobkaas, haddii lasii guda-galo Kenya wadamadu marka ay wada-hadlayaan qolobo waxbey wadataa waxaan isleeyahay heshiiska 70% waxay dan ugu jirtaa Soomaaliya, halkaas qodob oo Qaadka ah waxaa moodaa xooga ugu faraha badan Kenya, iyaduna waa in shacabkii ay wax tusaan,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu soo dhaweeyey qodobada ka hadlaya dib u furista xuduuda labada dal iyo duulimaadyada labada dhinac, gaar ahaan in muwaadiniinta loo fududeeyo dal ku galka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, maalin kadib markii uu madaxweynaha Soomaaliya ku soo laabtay dalka, uuna usii safray Jabuuti, markii uu heshiis ka kooban dhowr iyo qodob lasoo saxiixday dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta kaas oo bilow u ah hagaajinta xiriirka labada dal.