Muqdisho (Caasimada Online) – Murashixiinta Madaxweyne ee Sheekh Shariif iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay inay samaysteen Isbahaysi Siyaasadeed oo loo arki doono Labada Murashax ee ugu sarreeya ee uu midba midka kale ku taageerayo Codkiisa haddii ay Doorashaddu gaarto Wareegga Labaad, si ay uga hor tagaan Madaxweynaha haatan, Xasan Sheekh Maxamuud
Go’aankaasi ayaa yimid, kadib, Kulan ay qeyb ka ahaayeen 10-Murashax Madaxweyne oo kale. Ilo-wareed ayaa idaacadda Dalsan ee Muqdisho u sheegay in la ansixiyey Heshiiskaasi oo dhigayo inuu Farmaajo noqonayo Ra’isul-wasaare, haddii uu Sheekh Shariif noqdo Madaxweyne.
Murashax Farmaajo waxaa taageerayo ku-dhawaad 40-Xildhibaan, halka Sheekh Shariif sheegay inuu haysto 70-Xildhibaan oo iyaga taabacsan, inkasta oo warar ay sheegayaa inuu haysto 30 illaa 40 xildhibaan.
Xeeldheerayaasha ayaa ku qiyaasay tirada Xildhibaanadda uu haysto Murashax Xasan Sheekh Maxamuud inay gaarayso 120-Murashax, si kastaba Xasan ayaa si fudud looga adkaan karaa haddii ay midoobaan musharaxiinta kale.
Isbahaysigan cusub ayaa yimid, iyadoo ay wax ka yar 24-saacadood ka harsan tahay maalinta Arbacada oo ay dhici doonta Doorashadda Madaxweynaha.
Shariifka ayaa sidoo kale xalay isbaheysi kale la galay Cumar Cabdirashiid, waxaana muuqata inuu dadaal saacidihii ugu dambeeyey ah wado, kadib markii ay cadaatay inaanu ku dhoweyn codadkii uu u baahnaa.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]