SHARIIF oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Mareykanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo dhowaan uun dib ugu soo laatay magaalada Muqdisho ayaa haatan bilaabay kulamo gaar gaar ah oo uu la qaadanayo wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay gudaha caasimada.

Sheekh Shariif ayaa saacadihii ugu dambeeyay kulan foolka fool ah la yeeshay safiirka Mareykanka u qaabilsay Soomaaliya ambassador Richard Rile, isaga oo kala hadlay arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda dalka.

Madaxweynihii hore ee dalka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in isaga iyo Danjire ambassador Richard Riley ay ka wada-hadleen xiriirka labada dal. Xaaladda siyaasadeed ee dalka, doorashooyinka muranka ka taagan iyo ammaanka guud ee dalka.

“Waxaan maanta kulan kuwada yeelanay Magaaladda Muqdisho safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya U.S. Embassy Mogadishu, ambassador Richard Riley, innagoo kulankeenna diiradda ku saarnay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Amniga, siyaaasadda iyo sida ay muhiim ugu tahay horrumarinta geedi-socodka dowlad dhiska iyadoo ay mar walba saldhig u tahay xasillooni siyaasadeed” ayuu qoraakiisa yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale wuxuu u mahad-naqay dowladda Mareykanka oo uu tilmaamay in Soomaaliya ayka caawiso dhinacyo muhiim ah oo ay ugu horreyso la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

“Waxaan dhinaca kale uga mahadceliyay dowladda Mareykanka taageerada ay dalkeenna ka siiso dhincyadda Ammaanka, la dagaalanka kooxaha argagixisada ah, dhaqaalaha iyo gargaarka bini’aadanimo” ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif.

Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo ay taagan tahay xaalad siyaasadeed oo cakiran, isla markaana Villa Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka ay isku hayaan arrimaha doorashooyinka oo mugdi badan uu ku jiro hannaanka loo wajahayo.

Doodda ayaa waxa keenay qorshe ay la timid Villa Soomaaliya oo la xiriira doorasho qof iyo cod ah, taa soo ay ka biyo diideen Jubbaland, Puntland iyo xubnaha siyaasiyiinta mucaaradka dalka.

Si kastaba, ahaaatee waxaa haatan isha lagu hayaa natiijada kasoo bixi doonto shirka maanta u furmay Golaha Wadatashiga Qaranka oo diiradda lagu saaray xaaladda taagan, gaar ahaan doorashooyinka ammaanka dalka.