28.9 C
Mogadishu
Tuesday, December 30, 2025

Sheekh Shariif oo ay soo food saartay xaalad adag kadib markii…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegaya in hoos u dhac ballaaran uu ku yimid ololihii loogu jiray dib usoo laabashadiisa.

Wararku waxa ay sheegayaan in hoos u dhacaasi ku yimid ololaha uu saameyn xoogan ku yeeshay shaqsiyaadkii u halgamaayay kuwaasi oo qaarkood ka tagay Musharaxa.

Sababta ugu weyn ee hoos u dhaca ayaa lagu sheegay in miisaaniyad xumi soo food saartay Sheekh Shariif oo horay ballamo uga heystay dhowr dowladood oo daneynaaya dib usoo laabashadiisa.

Dowladaha qaar ayaa la sheegayaa inay muddo fog u qabteen, halka qaarna ay fursad usiiyen inuu deensan karo dhaqaalahaasi, waxaana iminka adag sida uu ku heli lahaa dhaqaale ku filan.

Warar hoose ayaa sheegaya in dhaqaale deen ah uu ka dalbaday Bangi ku yaalla dalka Imaaraadka oo uu lacag ku shuban jiray, hayeeshee waxaa loo qabtay Bisha soo socta Labaatankeeda.

Dowlado ay kamid yihiin Mareykanka, Britain, Imaaraadka, Turkiga, ayaa Sheekh Shariif u qabtay muddo kale si ay ugu diyaar garooban diyaarinta dhaqaalahaasi.

Halka Dowlado ay kamid yihiin Sacuudiga iyo Qadar ay laba bil ka hor ku wareejiyeen dhaqaale ay ugu tallo galeen Sheekh Shariif, hayeeshee waxa ay taasi ku baxday amaanka iyo ololihiisa bilowga ahaa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News