Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland gaaray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sheekh Shariif ayaa waxaa magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Hogaamiyaha maamulka Jubbaland, Xubno ka kala tirsan labada Gole iyo Saraakiil ka tirsan qeybaha kala duwan ee Ciidamada.
Sheekh Shariif ayaa Xildhibaanada ka codsan doona taageero, isagoo halkaasi kulamo gaar gaara kula qaadan doono Hogaamiyaha maamulka iyo Xildhibaanada miisaanka leh.
Ujeedka ugu weyn ee Axmed Madoobe uu ugu yeeray Xildhibaanada labada Aqal ee lagu soo doortay magaalada Kismaayo ayaa la xiriirta sida uu ula kulmi lahaa Sheekh Shariif oo iminka socdaal qarsoodi ah ku gaaray magaalada Kismaayo.
Sheekh Shariif ayaa kamid ah Musharaxiinta ugu miisaanka culus ee looga cabsi qabo xilka Madaxweyninimo ee Somalia.
Lama oga xiriir hoosaadka ka dhexeeya Sheekh Shariif iyo Hogaamiyaha maamulka Jubbaland.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]