Sheekh Shariif oo si adag uga hadlay dhacdooyinkii ka dhacayay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay dhacdooyinka maalmahani ka dhacaayay magaalada Muqdisho, gaar ahaan dhacdadii ka dhacday xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Waxa uu sheegay in dilalkii ugu dambeeyey ee ka dhacay Magalada Muqdisho gaar ahaan dilkii Axmed dowlo oo la dilay kadibna la gubay uu ahaa mid aad u naxdin leh.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in dhaqanka noocaasi ee lagu dilay marxuum Axmed Dawlo islamarkaana lagu gubay uu ahaa mid ku cusub dalka oo niyad jabiyay Umadda Soomaaliyeed.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dhacdadaasi ay aheyd mid xitaa dunida ay kala yaabtay Soomaalida waxa uuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan falalka nuucaas oo kale ah.

Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Dhacdooyin fara badan oo dalka ka dhacayay gaar ahaan dhimashooyin fara badan inaan uga tacsiyadeedyo ummadda Soomaliyeed iyo eheladooda dadka dhintay, Alle waxaan ka baryeynan nabad, waxaan rabaa inaan si gaar ah u dul istaago dhacdadii Towfiiq, dhaqankaas waa mid aad u xun, waan cambaareyneynaa waa fal aad u fool xun, ma jiro qof qof ka fiican ilaa cabsida Alle ma ahanee”

“Guur in dad loo dilo waa arrin fool xun, ummadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waa in ay meel uga soo wada jeestaan arrintaas”. Ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Haddalka Sheekh Shariif ayaa kusoo beegmaya xili maalmahaani magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen falal aad u fool-xun oo ay isu geysanayeen dadka reer Muqdisho sida falkii lagu gubay Axmed Dawlo iyo ninkii xaskiisa ku gawracay duleedka Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com