26.6 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Sheekh Shariif oo sicir barar ku riday qiimaha codadka xildhibaanada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxa xilka Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka mida musharixiinta ugu cadcad ee u taagan tartanka madaxweynaha ayaa qiime cusub ku kordhiyay qiimaha lagu iibsanayo codadka xildhibaanada.

Shariif Sheekh Axmed oo dib ugu soo laabtay Muqdisho ayaa xogta waxay sheegeysaa inuu qiimaha codadka xildhibaanada ee Doorashada Madaxweynaha uu gaarsiiyay lacag dhan 150,000 Dollar (Boqol iyo konton kun oo Dollar).

Qiimaha cusub ee Shariif Axmed ayaa 50,000 Doolar ka sareeya qiimihii bilowga ahaa ee uu codadka xildhibaanada u gaaray Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo ahaa 100,000 Dollar.

Sheekh Shariif ayaa dhowaan socdaal muddo qaatay ku tagay magaalada Nairobi iyo dalka South Afrika, waxaana la rumeysan yahay in ganacsatada ugu taajirsan Abgaal ay lacag badan soo siiyeen, ayada oo sidoo kale uu taagero kasoo helo dowlado aan la shaacin.

Qiimaha gorgortanka codadka xildhibaanada ayaa weli jooga heerkii ugu hooseeyay, waxaana la filayaa in doorashadan oo ah mid aad u adag uu gaaro heer aan hore loo arag oo la saadaalinayo ilaa 300,000 Doolar, halka Doorashadii 2012 lacagta u badan ee codka xildhibaanka lagu iibsaday ay ahayd 20,000 Dollar.

Lacag u dhaxeysa labaatan iyo soddon milyan oo dollar ayaa la filayaa in sanadkan ay madaxweynenimada Soomaaliya ku kacdo, waxaana ugu wacan ayada oo dowlado badan oo shisheeye ay faro-gelin toos ah ku hayaan, kuna yaboohayaan lacag badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News