26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Shidaalka Soomaaliya: Ma belayaa laga dhaxli doonaa mise barwaaqo?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

W/Q: Hassan Mudane

“Abeesadu waxa ay cuntaa ciida, laakiinse caqli badnaan iyo taxadar inta ay ka qabto, way u habeen seexataa si aysan oga dhammaan.”  Murti Soomaaliyeed

Horudhac

Maxay tahay casharada ay Soomaaliya ka baran karto musiibadii ku dhacday waddamada uu dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dhoofinta shidaalka? Maxay tahay sababta loo doonayo soo saarista shidaalka Soomaaliya? Yaa ka faa’ideysan doona? Waa saddexda su’aal oon doonayo in aan ku dhex falanqeeyo maqaalkan.

Waxaan ku bilaabi doonaa taariikhda Soomaaliya oo kooban (Qeybta koowaad), kadibna waxaan si kooban u eegi doonaa musiibada laga filan karo waa haddii dhaqaalaha dalka uu noqdo mid ku tiirsan dhoofinta khayraadka dabiiciga sida dhoofinta shidaalka (Qeybta labaad), waxaa ku xigi doona sida looga baxsan karo dabinka ay dhigto isku haleynta ama ku tiirsanaanta dhoofinta shidaalka (Qeybta saddexaad), kadibna si kooban u eegi doonaa casharada laga baran karo (Qeybta afaraad), sidoo kale waxaan dulmar ku sameyn doonaa qasaaraha iyo faa’iidada la filan karo (Qeybta shanaad),  waxaan saadaalin doonaa kuwa ka

faa’ideysan kara soo saarista shidaalka Soomaaliya (Qeybta lixaad), ugu dambeyntiina, waxaan soo jeedin doonaa tallooyin ku saabsan sida looga hortagi karo musiibada ka imaan karta soo saarista shidaalka Soomaaliya (Qeybta todobaad).

Taariikhda Soomaaliya oo kooban

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay waddamada dhaca dhanka bari ee qaaradda Afrika. Waxa ay xoriyadeeda heshay sanadkii 1960. Intii u dhaxeysay 1969 ilaa 1990, waxaa soo maray maamul militari oo uu hoggaaminaayey Madaxweynihii hore ee Maxamed Siyaad Barre. Wixii ka dambeeyey sanadkii 1991 ilaa 2006, dalka waxaa ka jiray  ciyaar siyaasaddeed ku dhisan qabiil oo ay dhex maraysay hoggaamiyo kooxeedyo kala duwan. Sanadkii 2006, ciyaar siyaasaddeedkii Soomaaliya waxa ay gashay marxalad kala guur ah. Halgan siyaasaddeedkii ku dhisnaa qabiilka waxa ay isku beddashay mid ku dhisan diin.

Wixii ka dambeeyey sanadkaas, ciyaar siyaasaddeedkii Soomaaliya waxaa ku soo biiray koox diimeedyo kala duwan, mid walbana li’di ku ah dowladii timaada. Sanadkii 2012, waxaa dalka ka dhacay doorasho madaxtinimo oo ay xilka ku kala wareegayeen madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shiiq Shariif Shiiq Axmed iyo Xasan Shiiq Maxamuud. Afar sano kadib, waxaa dhacday doorasho labaad oo ay xilka ku kala wareegeen Madaxweynii hore Xasan Shiiq Maxamuud iyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Si kastaba, taariikhdaas dheer ee aan soo koobay, Soomaaliya waxa ay aheyd dal aan marnaba khayraadkiisa la taaban oo aan dibadda loo soo saarin.

Bal aynu dib u yara milicsano taariikhda sahanka shidaalka Soomaaliya, oo ah mid soo billowday xilligii gumeysiga. Xilligii gumeystaha uu joogay dhulka Soomaalida ayaa waxaa jiray dhul-baarayaal Talyaani iyo Maraykan ah, waxa ay summadeeyeyn astaamaha shidaalka. (HIPS, 2014). Wixii ka dambeeyey kontomeeyadii, shirkaddo laga leeyahay dalka Talyaaniga iyo Maraykanka ayaa ahaa kuwii billaabay in ay baaritaan ku sameeyaan shidaalka Soomaaliya. Shirkadda Eni (oo markii hore loo yiqiin Agip) iyo shirkadda Sinclai ayay ahaayeen kuwii baaritaanka ku sameeyey dhulka Soomaalida. Waxaa xigay baaritaano kale, oo ay sameeyeyn shirkaddaha kala ah: ConocoPhillips, Shell, Amoco, Total iyo Texaco. Markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya, 1991. Waxaa joogsaday howlihii sahminta shidaalka Soomaaliya. (HIPS, 2014).

Haddaba, shidaalka ku kaydsan Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa ku dhowaad 110 bilyan oo fuusto, sidoo kalena xeebaha Soomaaliya waxaa dhex yaala shidaal badan oo aan weli la qiyaasin inta uu la’eg yahay. Taasi Soomaalida waxa ay marna u noqon kartaa filasho wanaagsan marna musiibo. Hadba waxa ay ku xiran tahay sida loo maamuli doono hantida ka soo xaroota khayraadkaas. Shan iyo labaatan sano kaddib, dagaalkii sokeeye ee Soomaaaliya, waxaa dib u soo noolaatay hankii ay Soomaaliya ku doonaysay in ay ka mid noqoto waddamada dhoofiya shidaalka. Balse, su’aasha isweydiinta mudan waxa ay tahay, ma la joogaa xilligii ay Soomaaliya soo saaran laheyd shidaalkeeda?

Musiibada Khayraadka

Waddamada dhaca qaaradda Afrika, heykal-dhaqaaleedkoodu inta badan waxa uu ku tiirsan yahay dhoofinta khayraadka dabiiciga sida dhoofinta shidaalka, saliidda, macdanta qeybaheeda kala duwan, dheemanka, dahabka, maarta, iwm. Kaliya maahan waddamada dhaca qaaradda Afrika, waxaa kaloo jira waddamo badan oo ka mida dunida saddexaad oo dhaqaalahoodu weli ku tiirsan yahay dhoofinta khayraadka dabiiciga. Sida Michael (1999) uu tilmaamay, “Afar meelood saddex meel ka mida waddamada dhaca saxaraha Afrika, saddex meelood laba meel ka mida waddamada dhaca laatiin Ameerika, bariga dhexe,  waqooyiga Afrika waxa ay weli ku tiirsan yihiin dhoofinta khayraadka dabiiciga.”

Haddii waddan uu leeyahay khayraad dabiici ah sida shidaal, sidoo kalena uu dibadda u dhoofiyo khayraadkiisa dabiiciga, lacag badana ay ka soo gasho, sow maahan in dadkiisu ay ku noolaadan nolol ka baxsan xayndaabka saboolnimada. Sidaa cagsigeeda, inta badan dadka ku nool waddamada dhoofiya shidaalka waxa ay ku nool yihiin nolol saboolnimo iyo gaajo buuxisay. Sida Collier (2007) uu xusay, “Boqolkiiba 19%, dadka faqriga ah waxa ay ku nool yihiin waddamada uu dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay [dhoofinta] khayraadka dabiiciga.”

Bal isbarbardhig ku sameey heerka ay gaarsiisan tahay nolosha bulshada ku nool waddamada dhaqaalahooda uusan ku tiirsaneyn dhoofinta khayraadka dabiiciga sida Koonfurta Kuuriya, Jabaan, Talyaani, Taylaan, Malaysiya, Singabuur. Iyo bulshada ku nool waddamada uu dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dhoofinta khayraadka dabiiciga sida dhoofinta shidaalka, sida dalka Nayjeeriya, Fenusweela, Jaad, Koonfurta Suudaan, Zaambiya, Koongo, Sira-liyoon, Angoola, iwm. Adiga oo ka fiirinaya inta ay la’egtahay heerka waxbarashada, horumarka dhaqaalaha, caafimaadka, boqolkiiba inta wax qori karta waxna akhrin karta, sanadkiiba lacagta uu qofka mushahar ahaan u helo.

Natiijada aad heli karto waxa ay ku dulwareeganaysaa farqiga weyn ee u dhaxeeyo nolosha labadaas bulsho. Sidoo kale, waxaad ogaanaysaa, sida ay wax noqon karaan haddii dal uu ku qanco in dhaqaalahiisa uu noqdo mid ku tiirsan kaliya dhoofinta khayraadka dabiiciga.

Waxaa jira waddamo fara-kutiris ah oo ka baxsaday dabinka ay dhigto ku tiirsanaanta dhoofinta khayraadka dabiiciga, waxaa ka mida: Sucuudiga, Kuweyt, Qadar,

Baxreyn, Noorwey, Jili, Induniisiya iyo Butuswaana. Inta badan lacagta soo gasho waddamadaas waxa ay ka soo gashaa dhoofinta khayraadka dabiiciga sida dhoofinta shidaalka. Dadka ku nool waddamadaas, nolosha ay ku nool yihiin waa heer sare. Maxaa ka caawiyey in ay ka baxsadaan dabinka? Wax kale ma jiro oo aan ka aheyn sida wacan oo ay u maamuleyn lacagta ka soo xaroota dhoofinta khayraadkaas, iyo sida wanaagsan oo ay oga hortageyn musuqmaasuqa.

Sidoo kale, waxaa jira waddamo kale oo ayagana dhoofiya khayraadka dabiiciga sida shidaalka, balse bulshadoodu ay ku nooshahay nolol ku hareereysan faqri iyo gaajo. Haddaba maxaa u diiday in ay ku noolaadaan mid la mida tan ay ku nool yihiin bulshada waddamada khaliijka? Waxa kaliya ee sharxi kara arrinkaas waa musuq-maasuqa. Waxa biday in bulshadaasi ay ku hoos noolaato noloshaas faqriga ah waa musuq maasuqa baahsan oo ay sameeyeen madaxda hoggaamisa. Rejadii la filaayey oo aheyd, in noloshooda ay wax badan iska beddali doonto haddii ay soo saartaan shidaalka, balse rejadii waxa ay ku noqotay musiibo.

Shaki kuma jiro in haddii dal uu dibada u soo saaro khayraadkiisa dabiiciga sida shidaal, ay u badan tahay in uu ka mid noqdo waddamada ‘kireysta khayraadkooda dabiiciga,’ kana kireysta dowladaha lacagta leh ee reer galbeedka ama shirkadaha shidaalka ee gaarka loo leeyahay ee reer galbeedka. Dhoofinta uu dalkaasi dhoofinayo khayraadkaasiisa, waxa ay hilmaamisaa xoog saarida qeybaha kale ee ilaha dhaqaalaha sida: horumarinta warshadaha, dhoofinta dharka, cuntada, dalaga beeraha, tiknoolijiyada casirga, ganacsiga, iwm.

Haddii dal uu galo jawigaas ama xaaladaas waxaa inta badan ku dhaca ‘Cudurka Dhajka.’ Cudurkan waxa uu yimaada marka dal si kadis ah ku soo saarto khayraadkiisa dabiiciga sida shidaal, kadibna dhoofinta shidaalkaas uu lacag badan ka sameeyo, taasi oo sababta in uu si fudud ku hilmaamo horumarinta qeybaha kale ee ilaha dhaqaalaha. Ugu dambeyntiina, dalkaas waxa uu noqdaa mid aan dhaqaalehiisu isku dhafneen, kuna tiirsan daqliga ka soo gala dhoofinta shidaalka.

Bulshada ku nool dal sidaas oo kale u dhisan yahay dhaqaalehiisa, inta badan waxa ay ka mid noqdaan bulshooyinka caajiska badan ee ku nool lacagta bilaashka ah ee dowlada ka soo gasho dhoofinta shidaalka. Tusaale, bulshada ku nool waddamada khaliijka sida sucuudiga, kuweyt, qadar, intooda badan waa bulsho ku nool lacagta dowlada, mana bixiyaan canshuur.

Sikastaba, haddii  Soomaaliya ay doonayso in ay cagta saarto waddadii gaarsiin laheyd ‘Musiibada Khayraadka’ iyada oo  ka mid noqonayso waddamada uu dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dhoofinta khayraadka dabiiciga sida Nayjeeriya, Zaambiya, Fenusweena, Koonfurta Suudaan, Jaad, Gaana, Siraliyoon, Angoola, Koongo, Kaamiruun, iwm. Waa in ay diyaar u noqotaa sidii ay u wajahi laheyd Musiibada Khayraadka!

Musiibada uu ka digayo maqaalkan waxa ay imaan kartaa, markii ay Soomaaliya dibadda u soo saarato khayraadkeeda dabiiciga sida shidaalka ama macdanta yuuraaniyoomta, kaddibna ay heshiis kula gasho mid ka mida shirkadaha shidaalka ee reer galbeedka sida shirkadan ‘Soma Oil and Gas’ (Sanadkii 2013, shirkaddan waxa ay heshiis ku saabsan sahminta shidaalka dhex yaalla xeebaha Soomaaliya la gashay dowladda federaalka

Soomaaliya), waana shirkadda xilligan lagu xanto sahminta shidaalka Soomaaliya.

Haddii mid ka mida qodobbada heshiiskaas uu noqdo mid tilmaamaya in shirkadda ay maamusho ama qeyb weyn ku yeelan karto faa’iidada ka soo xaroota khayraadkaas, dowladduna ay daawade ka noqoto, dhaqaalaha waddankana uu noqdo mid ku tiirsan, iskuna haleeya dhoofinta shidaalka, markaas ayay soo muuqan doontaa MUSIIBADA KHAYRAADKA!

Mid ka mida waxyaabaha sababta u ah in ay dhacdo musiibadaas waxaa ka mida, qiima dulsaaran dhoofinta khayraadka dabiiciga sida shidaalka waxa ay inta badan ku xiran tahay is bed-beddalka sicirka dunida, sicirka dunidana waxaa maamula reer galbeedka. Marka ay rabaan ayay hoos u dhigaan marka ay rabaana kor ayay u qaadaan. Marka sicirka hoos u dhaco waa marka ay billaabanayso gilgilashada dhaqaalaha dalka.

Haddaba, sidee looga hortagi karaa musiibadaas? Hadba waxa ay ku xiran tahay sida loo maamulo daqliga ka soo xarooda khayraadkaas, sidoo kalena in la abuuro dhaqaale isku dhafan oo aan kaliya la isku haleyn lacagta kirada ah ee ka imaanaysa dhoofinta shidaalka iyo helida dowladda xooggan oo ku dhisan maamul wanaag, taas oo ku timaada rabitaan shacab.

Musiibadaas waxa ay noqon kartaa mid muuqata oo la arki karo, waa marka ay isbiirsadaan maamul xumo ku dhisan musuq-maasuq iyo marka dhoofinta khayraadkaas ay noqoto ilaha kaliya ee daqliga dowlada. Haddii shacabku uu ku fashilmo la socodka musuq-Maasuqa ku dhisan laaluushka oo ay inta badan sameeyaan madaxda dowladaha uu dhaqaalahoodu ku tiirsan yahay dhoofinta shidaalka, waxa ay noqon kartaa barta ay ka billaabanayso musiibada iyo maamul xumida ku’aadan sida loo mareyn karo lacagta ka soo xaroon doonta dhoofinta shidaalka Soomaaliya.

Halista ugu weyn waxa ay soo muuqan karta marka Siyaasiyiinta Soomaalida, Maamul Goboleedyada, qaar ka mida Qabiillada Soomaalida uu dhex maro tartan loo galayo xaraashka iyo heshiisyada shidaalka Soomaaliya, taas oo keeni karta in ay ku deg degaan heshiisyo ay la galaan shirkadaha shidaalka, iyada oo aan si fiican looga baaraan degin. Haddaba, habka ugu muhiimsan ee looga hortagi karo waa in la abuuro jawi ku dhisan kalsooni iyo is aamminaad dhex mara Qabiillada Soomaaliyeed, Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka.

Su’aasha isweydiinta mudan waxa ay tahay, haddii la soo saaro shidaalka Soomaaliya, maxay ka beddali kartaa nolosha bulshada Soomaaliyeed? Waxaa jirta aragti suuqa ku dhex jirta oo ay inta badan ku doodaan dadka aaminsan in la joogo xilligii ay Soomaaliya soo saaran laheyd shidaalkeeda. Aragtidaas waxa ay leedahay, haddii la soo saaro khayraadka Soomaaliya, waxa ay wax badan ka beddali doontaa nolosha bulshada Soomaaliyeed. Waxa ayna yareen kartaa khilaafka Soomaalida. Balse, taasi sida loo yiri mise sida ay wax noqon doonaan! Runtii aragtidaas waxaan u arkaa in ay tahay aragti lagu marin habaabinayo bulshada Soomaaliyeed.

Ku tiirsanaanta dhoofinta khayraadka dabiiciga sida dhoofinta shidaalka waxa ay sabab u noqon kartaa in dalka uu gaari waayo horumar dhanka warshadaha. Collier (2007) waxa uu ku doodday, “dhoofinta khayraadka dabiiciga, iska daa in ay wax ku kordhiyaan dhaqaalaha waddanka, waxa ay qeyb ka qaadan karaan caqabadaha ka hor istaagi kara dalka in uu xaqiijiyo horumar dhaqaale, sida hurinta colaadda.” Sanadkii 2013i, qoraal ka soo baxay wasaaradda horumarinta caalamiga ee dalka Ingiriiska, waxa ay ka digtay, soo saarista shidaalka Soomaaliya in ay sii hurin karto musuq-maasuqa iyo khilaafka Soomaalida.

Sahminta shidaalka Soomaaliya waxa ay u badan tahay in ay kiciso xiisad siyaasaddeed, taas oo horseed u noqon karta dib usoo cusboonaanshaha colaadda Soomaaliya. (HIPS, 2014).

Sidee looga baxsan karaa? 

Soomaaliya waxa ay ka mid yahay dalalka leh ifafaalo wanaagsan ee xagga tamarta, waana dal ay haysato caqabado badan oo la xiriira sahanka shidaalka. Waxaa jirta caqabado badan oo is hor istaagi kara rejada soo saarista shidaalka Soomaaliya, waxaa ka mida, farsamada, kaabayaasha iyo isku socodka, sidoo kalena maahan oo kaliya caqabadaas balse waxaa kaloo jira culeysyo kale oo fara badan oo ay ka mid yihiin xiisad siyaasaddeed, amni darro, hey’ado nugul iyo mugdi baahsan oo ku saabsan xuquuqda lahaanshaha hantida. (HIPS, 2014).

Iyada oo intaasi caqabad jiraan, haddana aad bay u adag tahay in hal meel oo kaliya xalka laga helo, balse xalka ugu fiican waxa uu noqon karaa in la sameeyo ka hortag si aysan u dhicin musiibada. Xalka waxaa uu mar walba ku dulwareegtaa dal walba nooca ay tahay siyaasaddiisa, dhaqaalihiisa iyo arrimihiisa bulshada. (HIPS, 2014). Balse, mar walba waa muhiim in la feejignaado, sidoo kalena la isku diyaariyo sidii loo maareyn lahaa musiibada.

Haddaba, si looga hortago musiibada waa in loo sii maraa saddex waddo oo kala ah:

  • In la helo dowlad feejigan oo leh farsamo, aqoon iyo awood sharci oo ay kula gorgortami karto dhurwaayada doonaya in ay dhuuqaan khayraadka Soomaaliya.
  • In shacabku aysan marnaba u dulqaadan, una dhug-yeeshaan, kana hortagaan maamul xumo ku dhisan musuq-maasuq.
  • In la abuuro jawi ku dhisan kalsooni iyo is-aamminaad, taas oo sahli karta isfaham dhex mara dowlada federalka, maamul goboleedyada, iyo qabiilada Soomaaliyeed.

Haddii dibadda loo soo saaro shidaalka Soomaaliya, kadibna shacabku ay ku fashilmaan u dhug-yeelashada iyo la socodka musuq-maasuqa; musuqamaasuqaas waxa uu noqon doonaa sumad ama calaamad dusha kaga sawiran tahay siyaasi walba oo talada waddanka hayn doona, xaalkuna wuxuu noqonayaa

‘waraabe hilbo ku raro’

Casharada laga baran karo

Inkasta oo ay muhiim tahay horumarinta dhaqaalaha iyo maareynta siyaasadda si looga hortago musiibada haddana waxaad arkaysaa in xiriir weyni aysan ka dhaxeyn jahwareerka siyaasaddeed iyo musiibada khayraadka, sida lagu arkay dalalka Butuswaana, jili iyo induniisiya. Taasi waxa ay muujinaysaa casharadii laga bartay dalalkaas in ay aheyd: Maamul iyo shaqaale leh xirfad iyo aqoon, si loo maareeyo dakhliga shidaalka, loona abuuro wax soosaar dhaqaale oo isku dhafan, kana duwan kan shidaalka (HIPS, 2014).

Haddaba, waxaa jira waddamo badan oo dibadda u soo saaray khayraadkooda dabiiciga sida shidaal, saliid, macdanta qeybaheeda kala duwan, sida dheeman, dahab, maar, iwm. Ma sidii ay filashadoodu aheyd (Ka hor inta aysan dibadda u soo saarin khayraadkooda) mise sida ay wax noqdeen. Wixii ay filayeen waxa ay ku noqotay musiibo khayraad! Waddamada aan isleeyahay Soomaaliya waxa ay ka baran kartaa casharo wanaagsan waxaa ka mida: Nayjeeriya, Zaambiya, jaad, Koonfurta Suudaan, Fenusweela, Sira-liyoon, Leybeeriya, Koongo, Angoola, iwm. Tusaale, 50kii sano ee la soo dhaafay, dalka Nayjeeriya lacagta ka soo gashay dhoofinta shidaal waxay ay kor u dhaaftay $800 bilyan oo dollar, haddana celcelis ahaan maalintii lacagta soo gasho shakhsiga waa hal doolar. (HIPS, 2014).

Si kastaba, aad bay u adag tahay in maanta Soomaaliya ay hesho dal ama shirkad u soo saarta khayraadkeeda dabiiciga, iyada oo aan weydiisan boqolkiiba inta ay ku yeelan karto khayraadkaas. Musiibada heysata dadka reer Gaana waxaa ka mida in boqolkiiba 90, shidaalka ay dhoofiyaan faa’iidada ka soo xaroota ay ku raaxeystaan shirkad laga leeyahay dalka Maraykanka. Maanta bulshada reer Gaana waa  ay ka baahan yihiin khayraadkooda. Ma sidaas oo kale ayay Soomaaliya doonaysaa mise si ka duwan? Waa in Soomaaliya ay wax badan ka barataa waddadii ay mareen iyo sida ay ugu fashilmeyn waddamo badan oo horay u soo saaray shidaalkooda.

Tusaale kale oo aan isleeyahay

Soomaaliya cashar ayay u noqon kartaa, waxa ay ku saabsan tahay dhacdo ka dhacday dalka Zaambiya. Marka ay isbiirsadaan musuq-maasuq iyo dhoofinta khayraadka dabiiciga, natiijada soo bixi karta, waxa aynu tusaale ahaan ugu soo qaadan karnaa dalka Zaambiya oo ah waddan leh khayraad dabiici ah. Zaambiya waa dalka ugu badan ee dhoofiya macdanta maarta. Dhaqaalahiisuna waxa uu ku tiirsan yahay dhoofinta khayraadkaas. Inta badan godadka laga qodo martaas waxaa maamula mid ka mida shirkadaha shidaalka ee gaarka loo leeyahay ee reer galbeedka. Waxaa jira muuqaal ku saabsan dhacdo ay ku luglaheyd shirkadaas oo ka dhacday dalkaas.

Magaca muuqaalkaas waa bililiqaysiga Afrika (Stealing Africa).

Haddaad daawato muuqaalkaas waxaad ogaanayso musiibada ka dhalan karta isbiirsiga musuq-maasuqa iyo ku tiirsanaanta dhoofinta khayraadka dabiiciga. Maamulkii hoggaaminaayey dalkaas, waxa ay ku fashilmeyn maareynta dhaqaalihii ka soo galay dhoofinta khayraadka dabiiciga. Maantana dad reer Zaambiya waxa ay ka mid yihiin dadka ugu faqrisan dunida.

Casharada ugu muhiimsan ee laga baran karo waxaa ka mida:

  • In bulshada aysan marnaba u dulqaadan oo ay ka hortagaan, lana socdaan, musuqa-maasuqa ay sameeyaan madaxda dowladda.
  • In dowladda ay xoogga saarto qeybaha kale ee illaha dhaqaalaha sida: horumarinta warshadaha, dhoofinta dharka, cuntada iyo dalaga beeraha, horumarinta noocyada kala duwan ee ganacsiga.

Si looga badbaado ‘cudurka dhajka,’ loona helo dhaqaale isku dhafan.

  • Abuurista dhaqan siyaasaddeed ku dhisan maamul wanaag.

 Qasaaraha iyo Faa’iidada

Shaki kuma jiro soo saarista shidaalka Soomaaliya in uu qaasarahiisu wato. Qasaaraha la filan karo wax badan ayay noqon karaan, balse maqaalkan kaliya waxa uu tilmaamayaa saddex ka mida qasaaraha la filan karo, waxaana ka mida:

  • In musuq-maasuqa kordho.
  • In ay meesha ka baxdo nidaamka dimuqoraadiyada Soomaaliya.
  • Hurinta colaadda sokeeyo.

Kaliya maahan in loo fahmo, haddii dal uu soo saarto khayraadkiisa dabiiciga sida shidaal in ay ku noqonayso musiibo. Haddii si fiican loo maamulo, lagana dhowro musuq-maasuq, wax isdabamarin, tuugnimo, laaluush qaadasho; dakhliga ka soo xaroon doona dhoofinta shidaalka Soomaaliya. Waa suurtagal in ay soo saarto faa’iido badan, taas oo dalka ku hagta waddadii barwaaqada, Sidoo kalena ay wax badan ka beddasho noloshada bulshada Soomaaliyeed.

Yaa ka faa’ideysan doona?

Haddii ay dhacdo in Soomaaliya laga helo khayraad dabiici ah sida shidaal ama Yuuraaniyoom kaddibna dibada loo soo saaro. Waxaan ku dooddayaa, in khayraadkaasi ay afka u dhigan doonaan, oo ay ka faa’iideysan laba koox oo kala ah:

  • Siyaasiyiinta Soomaalida.
  • Shirkadaha shidaalka ee  reer galbeedka.

Sikastaba, soo saarista shidaalka Soomaaliya laba waddo mid un bay u jiheyn kartaa: Mid gaarsiin kartaa musiibo iyo dib u dhac iyo mid gaarsiin karta barwaaqo iyo horumar.

Tallooyin

Talooyinka aan doonayo in aan usoo jeediyo siyaasiyiinta Soomaaliya gaar ahaan kuwa ay talada ka go’do waxaa ka mida:

  • In dowladda federaalka

Soomaaliya ay dib u eegis iyo dib u habeynba ku sameyso mugdiga dhanka sharciga ah ee ku’aadan sida loo qeybsan karo khayraadka Soomaaliya, yeey tahay cidda xaqa u leh in ay heshiis la gasho shirkaddaha shidaalka, sidoo kalena yaa looga fadhiyaa fullinta heshiiskaas.

  • In la sameeyo daraasad ku saabsan dalka Butuswaana oo ah dal lagu naanayso ‘Mucjisada Afrika’ sidii ay oga baxsadeyn dabinka musiibada (Ku tiirsanaanta dhoofinta khayraadka dabiiciga), iyo sidii ay u maamuleyn dhaqaalahii kaga soo xarooday dhoofinta khayraadkaas.
  • In lagu dhaqmo xikmadii aheyd ‘Intaadan fallin ka fiirso,’ lana sameeyo qiimeyn ku’aadan sida ay mustaqbalka wax noqon karaan, ka hor soo saarista shidaalka Soomaaliya; inta aadan guurin ayaa sahan la dirsadaa.
  • In la dhiso lana xoojiyo hey’ad madax bannaan oo la dagaalanta, ka hortagta, lana socota musuqmaasuqa.
  • In la xoojiyo hey’adaha canshuur uruurinta si daqliga dowladda uu u noqdo mid ka soo xarooda canshuurta dadweynaha balse uusan noqon mid isku haleeya, kuna tiirsan kaliya dhoofinta khayraadka dabiiciga.
  • In dowladda  federaalka        

Soomaaliya ay furto dood cilmiyeedyo ku saabsan shidaalka  Soomaaliya, taas oo ay ka qeyb  

galayaan qeybaha kala duwan ee bulshda rayidka.    

  • In dowladda federaalka 

Soomaaliya ay abuurto heykaldhaqaale oo isku dhafan, balse  

aysan isku haleyn kaliya daqliga ka soo gali doona dhoofinta shidaalka.                

Tixraac

Paul Collier (2007). The Bottom Billion: Why poorest countries are failing and what can be done about it. Oxford University Press.

Michael L. Ross (1999). The political economy of the natural resource curse. World Politics, vol. 51, 297-322.

Heritage Institute for Policy Studies (2014). Oil in Somalia: Adding Fuel to the Fire. HIPS Policy Briefing Issue. HIPS: Mogadishu.

 Note

                                                         

i Source: Memo – Department for International Development, May 2013.

- Advertisement -

Read more

Local News