26.1 C
Mogadishu
Monday, December 29, 2025

Shiinaha oo jawaab culus ka soo saaray aqoonsiga Israel ee maamulka Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beijing (Caasimada Online) – Dowladda Shiinaha ayaa si kulul u cambaareysay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, tallaabo kicisay mowjado diidmo iyo dhaleeceyn ah oo ka imaanaya dalalka gobolka iyo beesha caalamka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha ayaa ka digtay in aan dalna “kicin ama taageerin kooxaha gooni-goosadka ah” si uu u dabagalo “dano gaar ah,” iyadoo Somaliland ku tilmaantay qeyb ka mid ah Soomaaliya oo aan marnaba ka go’i karin.

“Shiinuhu wuxuu si adag u taageersan yahay madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, wuxuuna kasoo horjeedaa tallaabo kasta oo lagu kala qaybinayo dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri Lin Jian, afhayeenka wasaaradda, oo hadlay galabnimadii Isniinta.

Lin Jian ayaa intaas ku daray in Beijing ay ugu baaqeyso maamulka Somaliland “inay xaqiiqada garwaaqsadaan, isla markaana si degdeg ah u joojiyaan dhaq-dhaqaaqyada gooni-goosadka iyo xiriirrada ay la samaysanayaan awoodaha shisheeye.”

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in arrinta Somaliland ay tahay “mid gabi ahaanba u taalla Soomaaliya,” isla markaana ay tahay in lagu xalliyo habraacyada dastuuriga ah iyo xaaladda qaran ee Soomaaliya, si ay u hoggaamiyaan dadka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, dowladda Eritrea ayaa sheegtay in Shiinuhu uu awooddiisa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u adeegsan karo inuu is-hortaago aqoonsi kasta oo rasmi ah oo ay Somaliland hesho.

Warbixin kasoo baxday Wasaaradda Warfaafinta Eritrea Axaddii ayaa aqoonsiga Israa’iil ku tilmaantay “shirqool” muddo soo karkarayay oo lagu doonayo in lagu khal-khal geliyo gobolka, looguna gogol-xaaro “qalalaase caalami ah iyo fowdo.”

Eritrea waxay sidoo kale ku nuuxnuuxsatay in “gaar ahaan ay waajib akhlaaqi ah ku tahay Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha inay qaadato mas’uuliyaddeeda,” iyadoo ku doodday in xaaladdan ay si dhow ugu ekaan karto tan Taiwan.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday gooni-isu-taag sannadkii 1991, balse Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in aqoonsiga Somaliland uu waafaqsan yahay “ruuxda Heshiisyada Abraham,” oo Maraykanku dhexdhexaadiyay sannadkii 2020 si loo caadiyeeyo xiriirka Israa’iil iyo dalal Carab iyo Islaam ah.

Netanyahu ayaa sheegay in Israa’iil ay qorshaynayso inay ballaariso xiriirka ay la leedahay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada beeraha, caafimaadka, tignoolajiyada iyo dhaqaalaha.

Si kastaba, tallaabadan ayaa la kulantay cambaarayn xooggan oo kaga timid Soomaaliya iyo dalalka deriska ah. Ururrada caalamiga ah iyo kuwa gobolka—sida Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Golaha Iskaashiga Khaliijka, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) iyo IGAD—ayaa ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Shiinaha, oo dano ballaaran ka leh Geeska Afrika, ayaa muddo dheer diidanaa in Somaliland la aqoonsado. Mowqifkaas ayaa sii adkaaday kaddib markii Hargeysa ay xoojisay xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee ay la leedahay Taiwan, gaar ahaan tan iyo markii labada dhinac ay xafiisyo wakiillo ka fureen Hargeysa iyo Taipei sannadkii 2020.

Beijing waxay Taiwan u aragtaa gobol ka mid ah dhulkeeda, umana aqoonsana dowlad madax-bannaan, iyadoo aan meesha ka saarin in xoog lagu soo celiyo haddii ay u aragto in loo baahdo.

David Shinn, oo ah bare sare oo ka tirsan Jaamacadda George Washington, ayaa sheegay in Shiinuhu Somaliland u arko inay xiriir dhow la leedahay Taiwan, sidaas darteedna “uu samayn doono wax kasta oo karaankiisa ah si uu u niyad-jabiyo aqoonsiga Hargeysa,” isagoo si adag u taageeraya midnimada Soomaaliya.

Markii la weydiiyay in Maraykanku raaci doono tallaabada Israa’iil, Madaxweyne Donald Trump ayaa ku jawaabay “Maya,” balse wuxuu raaciyay inuu “daraasad ku samayn doono” arrinta. Inkastoo ay taasi muujisay mad-madow, Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa mar kale xaqiijisay inay sii waddo aqoonsiga midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Shinn ayaa qiyaasay in Washington ay hadda dib u dhigi doonto aqoonsi kasta, qayb ahaan sababo la xiriira walaac ah in tallaabadaasi ay wiiqi karto dagaalka ay dowladda Soomaaliya kula jirto Al-Shabaab iyo Daacish.

“Laakiin haddii Maraykanku beddelo mowqifkiisa oo uu aqoonsado Somaliland, waxay albaabka u furi doontaa in kuwa kale ay ku daydaan. Dalal badan malaha ma raaci doonaan Israa’iil, balse aqoonsiga Washington wuxuu yeelan karaa saameyn gaar ah,” ayuu yiri Shinn.

- Advertisement -

Read more

Local News