Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa shil naxdin leh oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, kadib markii gaari nooca xamuulka ah uu jiiray saddex darawal oo ka mid ah wadayaasha mootada labada lugood leh ee loo yaqaan Fekon.
Shilka ayaa si gaar ah uga dhacay waddada loo yaqaan 21-ka October ee degmada Waaberi, waxaana la sheegay in wadihii gaariga xamuulka ah uu goobta ka baxsaday.
Saddexda darawal ee Fekon-ka watay ayaa laba ka mid ah naftu uga baxday isla goobta, halka midkii saddexaad uu dhaawac kasoo gaaray shilkaas.
Qofka dhaawacmay ayaa loo qaaday mid ka mid ah goobaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho si loo siiyo daryeel, halka meydadka labada qof ee dhimatay laga qaaday goobta si loo raadiyo ehelkooda.
Shilka kadib, muddo kooban ayaa waddadaas la xiray, balse markii dambe dib ayaa loo furay.
Ciidamada ammaanka dowladda ayaa bilaabay howlgal lagu raadinayo darawalka gaariga xamuulka ah ee baxsaday, waxaana kiiska loo gudbiyay saldhigga degmada Waaberi maadaama halkaas uu shilku ka dhacay.
Shilalka noocan oo kale ah ayaa inta badan lagu eedeeyaa darawallada oo khibrad yar leh ama si xad-dhaaf ah u kaxeeya gaadiidka, taas oo keenta inay lumiyaan xakamaynta marka ay wajahaan xaalado halis ah.
Arrimaha qayb ka ah shilalka noocan ah oo ku badan caasimadda Muqdisho waxaa ka mid ah gawaarida xamuulka ah oo lagu raro culeys ka badan inta ay qaadi karaan, iyo gaadiidkaas oo intooda badan ah kuwo duqoobay.

