Shir ka socda garoonka Kismaayo iyo wafdi British ah oo la kulmaya J/Land

Kismaayo (Caasimada Online)-Wararka aan ka helayno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in magaalada ay gaareen wafdi ka socda qaar kamid ah safiirada ku sugan dalka Soomaaliya iyo urur goboleedka IGAD.

Wafdiga waxaa kamid ah safiirka dowlada UK ee dalka Soomaaliya iyo urur goboleedka IGAD waxayna hadda uu kulan kaga socdaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Wariye ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in kulan gaar ah masuuliyiintaasi ay ku leeyihiin garoonka diyaaradaha, waxaana kula sugan masuuliyiin ka tirsan maamulka KMG ee Jubba.

Arinta ugu weyn ee safarka maanta wafdigan ay ku tageen magaalada Kismaayo ayaa ah in maamulka lagala taliyo qaabka lagu soo xulayo xubnaha baarlamaanka ee maamulka KMG ee Jubba.

Warar hoose oo aan helayno ayaa sheegaya in wafdiga ay sidoo kale la kulmi doonaan odayaasha dhaqan ee la doonayo inay soo xulaan xubnaha baarlamaanka ee maamulka Jubba.

Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay, waxaana maalmahaan magaalada ka socday qorshaha dhismaha xubnaha baarlamaanka ee maamulka Jubba.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com