Sawirro: Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmay Villa Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya waxaa goordhow ka furmay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo u dhexeeyo Madaxweyne Xasan iyo 5-ta hoggaamiye Goboleedyada, kaas oo ah mid xasaasi ah oo looga hadlayo xaaladda dalka.

Shirkan ayaa waxaa intiisa badan looga hadlayaa arrimo ay ka mid yihiin wada-shaqeynta dowladda cusub iyo dowlad goboleedyada, si looga wada-hadlo arrimaha hortabinta leh.

Waxaa sidoo kale shirka qayb ka ah Ra’iisul wasaare Rooble iyo Duqa magaalada Muqdisho, iyada oo laga wada tashan doono xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo isbedelkii dhacay.

“Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo uu guddoominayo Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayna ka qaybgalayaan Ra’iisulwasaaraha dalka, Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ayaa goordhow ka furmay xarunta Madaxtooyada Qaranka,” ayey tiri warbaahinta dowladda.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in shirka lagu soo qaadi doono arrimaha bini’aadanimada ee dalka, gaar ahaan gurmadka abaaraha ee ka socda Muqdisho.

Madaxweynayaasha maamul goboleedyada ayaa dhammaantood ku sugan caasimada oo ay uga qayb-galeen caleema saarka madaxweynaha oo la qabtay Khamiistii lasoo dhaafay.

Shirkan ayaa noqonayo kii labaad oo uu si toos ah ula yeelanayo Madaxweynaha cusub, hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada, kadib doorashadii dhacday 15-kii May.

Si kastaba, xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid deggan, waxaana isha lagu hayaa dhismaha dowladda cusub oo uu ugu horreeyo magacaabista ra’iisul wasaaraha.