Muqdisho (Caasimada Online) –Â Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in olole iyo Shirar Siyaasadeed ka dhan ah Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe uu ka socdo magaalada Melpon ee dalka Australia.
Shirarkaani ayaa waxaa qeyb ka ah mas’uuliyiin iyo Siyaasiyiin xilal kala duwan kasoo qabtay maamulka, waxa uuna ujeedka ololuhu yahay mid lagu cuuryaaminayo maamulka.
Mas’uuliyiinta qeybta ka ah shirarka ayaa Hogaamiyaha maamulka ku eedeeyay inuu ku dhaqmay cadaalad daro, waxa uuna cadeeyay in Axmed Madoobe uusan mudneyn inuu sii hayo xilka.
Waxa ay sheegen in Siyaasada Axmed Madoobe ay ka dhamaan la’ dahay heeb si gaar ah loogu bartilmaamedsanayo dadka deegaanka qaarkood kuwaas oo loo marayo dhanka Siyaasada.
Waxa ay intaa ku dareen in Axmed Madoobe uu marwalba uu diido in loogu yeero magaca Madaxweynaha Jubbaland taas micneheeduna uu yahay in uu doonayo in uu isku dhejiyo Gacan ku heynta Gobolada Jubbaland.
Waxa ay cadeeyen in danta laga leeyahay shirarka socda uu yahay in lagu kiciyo Xildhibaanada baarlamaanka kuwaa oo loo maraayo Siyaasada ku haboon riditaanka Madoobe.
Sidoo kale, waxa ay shirarkooda u cuskadeen in dhamaan waaxyaha kala duwan ee Shaqaalaha Maamulka jubbaland kuwa ugu sareeya iyo kuwa ugu hooseeyo ay maamulaan dad Beel ahaan ay isxigaan Axmed Madoobe.
Dhawaan ayay aheyd markii Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Jubbaland ay kacdoon kaga soo horjeesten Hogaamiyaha maamulka kuwaa oo sheegay inay xilka ka qaadayaan.