Kismaayo (Caasimada Online) – Shirweynaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa gelinkii dambe ee maanta ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda maamullada Jubaland iyo Puntland ayuu haatan u bilowday shirka, iyagoo guda-galay aaya-ka-tashiga Soomaaliya.
Golaha Mustaqbalka ayaa shirkan diirada ku saaraya xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyaga oo ka soo saari doona go’aanno, xilli ay bilooyin kooban ka harsan tahay muddada xil-heynta Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, golaha ayaa shirweynahan ku dooran doona hoggaan, iyadoo lagu wado in ay guddoon u doortaan Madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Jubaland, Axmed Madoobe.
Siyaasiyiinta mucaaridka qaar ayaa soo jeediyey in lagu dhawaaqo dhismaha dowlad kale, haddii Dowladda Federaalka ay wada-hadal doorasho furin ka hor bisha Maay 2026, sida ay sheegayaan xogaha laga helayo Kismaayo.
Inkasta oo siyaasiyiinta mucaaridka qaar ay walaac ka qabaan doorashadii 2022 oo kale, haddana madaxda maamullada ayaa xilligaan door bidaya doorasho dadban oo keliya la badiyey ergada iyo deegaannada.
Si kastaba, shirweynahan ayaa qorshuhu yahay in looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelinteeda ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli dhawaan uu goluhu si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan in muddo kororsi loo sameeyo Madaxwyene Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus kasoo saaray arrintaas.
Golaha ayaa sidoo kale si adag u diiday wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka.
Golaha ayaa markaas farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka iyo inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.


















