27.2 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo goor dhow ka furmay Muqdisho + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee uu horay u iclaamiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta Villa Soomaaliya, kaas oo u dhexeeyo madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah kuwa maamul goboleedyada dalka, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah.

Shirka oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa guddoomin doono madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana ka qayb-galaya hoggaamiyeyaasha maamullada Galmudug, HirShabelle, Koonfur Galbeed, SSC-Khaatumo iyo maamulka gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in shirka intiisa badan diiradda lagu saari doono arrimo muhiim ah oo la xiriira amniga dalka iyo qorshaha doorashooyinka dalka ee 2026.

Sidoo kale, waxaa shirka lagu soo qaadi doonaa dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab oo haatan soo xoogeystay, kadib markii ay kooxda culeys soo saartay Shabeellooyinka.

Kulanka oo maanta oo ahaa mid hordhac ah ayaa madaxdu isaga xog wareysteen xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka iyo haatan wixii ka dambeeyo guda geli doono ajendayaasha muhiimka shirkooda, oo ku soo aaday, xilli ay taagan tahay xiisad culus.

Madaxda ayaa sidoo kale la filayaa in war-murtiyeed ay soo saaraan kadib shirkooda, kaas oo ku aadan xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan arrimaha xasaasiga ah ee taagan.

Waxaa shirka ka maqan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo haatan uu khilaaf kala dhexeeyo Dowladda Federaalka, kuwaas oo diidan qorshaha Villa Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka dalka iyo arrimaha dastuurka.

Waxaa kale oo dood wayn qaba xubnaha mucaaradka oo iyagana kasoo horjeedo qorshaha Villa Soomaaliya ee la xiriira doorashooyinka qof iyo codka ah ee haatan diiwaangelintooda ay ka socoto qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Dhinkooda, Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa haatan wada dadaallo dheeraad ah oo ku aadan xal u helidda muranka siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan hannaanka doorashada ee sida aadka ah la’isugu hayo.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad siyaasadeed oo cakiran, waxaana usii dheer halista Al-Shabaab oo haatan culeys soo saartay gobollada Shabeellooyinka oo daris la ah magaalada Muqdisho.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga war sugayaa natiijada kasoo baxda shirka wadatashiga ee maanta furmayo oo ku soo aaday, xilli xasaasi ah oo loo baahnaa.

- Advertisement -

Read more

Local News