London (Caasimada Online) — Shirkadaha tamarta ee laga leeyahay dalka Britain, Afentra iyo Genel Energy, ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay ka-bixitaankooda saami-qaybsiga shidaal-baarista ee xirmada Odweyne (Odewayne block) ee Somaliland, iyagoo gacan ku haynta buuxda ee mashruucaas ku wareejiyay shirkadda maxalliga ah ee Petrosoma.
Heshiiskan ayaa dhigaya in shirkadda Afentra, oo ka diiwaan-gashan suuqa saamiyada ee London, ay wareejiso saami dhan 34% oo ay ku lahayd mashruuca balse aysan maamulin, halka Genel Energy ay wareejisay saamigeedii hawl-wadeennimo oo gaarayay 50%.
Tallaabadan, oo heshay ogolaanshaha rasmiga ah ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland, ayaa ka dhigan in hadda wixii ka dambeeya ay shirkadda Petrosoma si buuxda u maamuli doonto 100% saamiga xirmadan.
Sida ku cad heshiiska kama-dambaysta ah, Afentra waxay lacag dhan $1.97 milyan ka heli doontaa Genel si loo xalliyo waajibaadkii hore ee maaliyadeed. Hase yeeshee, shirkadda Petrosoma wax lacag ah kama bixin wareejinta saamigan, taasoo ku qasabtay Afentra inay gebi ahaanba diiwaankeeda ka tirtirto qiimihii hantidaas (write down) oo lagu qiyaasay $21.5 milyan ilaa bishii Juun 2025.
Afentra ayaa xirmada Odweyne ku tilmaantay “hanti aan udub-dhexaad u ahayn istiraatiijiyaddeeda, isla markaana leh khatar sare,” waxayna caddeysay in ka-bixitaankani uu la jaanqaadayo qorshaheeda cusub ee diiradda lagu saarayo mashaariicda wax-soo-saarka iyo horumarinta ee Galbeedka Afrika, gaar ahaan dalka Angola oo noqday xudunta hawlgalladeeda.
“Dhameystirka wareejintan waxay waafaqsan tahay himilada shirkadda iyo hannaankeeda taxaddarka leh ee maareynta maalgashiga,” ayay tiri Afentra oo soo saartay war-saxaafadeed.
Dhinaca kale, tallaabadan ayaa Genel Energy u oggolaaneysa inay awooddeeda isugu geyso hawlgalladeeda ugu muhiimsan ee Kurdistan-ta Ciraaq. Inkastoo ay ka baxday Odweyne, Genel weli way ku sugan tahay Somaliland, iyadoo sii haysata maamulka xirmada goonida ah ee SL10-B13 (frontier block).
Ku dhawaaqistan ayaa kusoo beegmeysa xilli Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), uu Isniintii shaaca ka qaaday in qodista shidaalka ceyriin la filayo inay billaabato sannadka 2027. Wuxuuna tilmaamay in tallaabadani ay tahay guul muddada dheer la sugayay oo loo qaaday dhanka wax-soo-saarka shidaalka kaddib sanado badan oo sahmin iyo dib-u-dhacyo ah.
Madaxweyne Cirro, oo ka hadlayay Bandhigga Macdanta Somaliland ee Hargeysa, ayaa sheegay in qodistu ay billaaban karto labo sano gudahood, balse ay suurtagal tahay in laga soo hormariyo haddii diyaargarowga farsamo iyo heshiisyada qandaraasyada la dhammeystiro waqtiga loogu talo-galay.
Maamulka Somaliland ayaa ku doodaya in dhulku leeyahay kayd shidaal iyo macdan oo ballaaran, iyagoo ugu baaqay maal-gashadayaasha caalamiga ah inay ka qayb qaataan, iyagoo cuskanaya sharciyada maxalliga ah iyo hay’adaha nidaaminta ee jira.
Si kastaba ha ahaatee, waaxdan ayaa weli waxaa hareereeya muranno sharci iyo kuwo siyaasadeed oo aan xal loo helin.
Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sannadkii 1991-kii balse ma haysato aqoonsi caalami ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku celisay in iyada oo kaliya ay xaq u leedahay bixinta shatiyada shidaalka iyo gaaska dalka oo dhan, iyadoo sannadkii 2022 si cad u diidday xuquuqda shidaal-baarista ee ay sheeganayaan shirkadaha ka hawlgala deegaannada Somaliland.

