26 C
Mogadishu
Thursday, November 6, 2025

Shirkadda SOON oo sheegtay in ciidamada Villa Somalia ay ku soo qaadeen duullaan

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Somali Optical Networks (SOON) ayaa sheegtay in cutubyo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada (Villa Somalia) ay maalintii saddexaad burburin iyo qabsasho ka wadaan xarunteeda isgaarsiinta ee degmada Boondheere, iyaga oo adeegsaday cagafyo waaweyn si dhismaha dhulka loogu simo, taas oo sababtay hakad ballaaran oo adeegyo ah.

SOON ayaa ku warrantay in hawlgalka uu hoggaaminayo G/le Dhexe Maslax Maxamuud Maxamed, islamarkaana uu sababay in la jajabiyo qalabkii isgaarsiinta, kumbuyuutarradii keydka xogta, xafiisyada iyo agabkii adeegga.

“Waxaa si bareer ah loo burburiyay kaabeyaashii isgaarsiinta ee ay ku tiirsanaayeen hay’ado dowladeed, shirkado iyo kumannaan macaamiil ah,” ayuu laga yiri bayaan ka soo baxay shirkadda, ayada oo sheegtay in sawirro iyo muuqaallo “caddeymayaal toos ah” la hayo.

Shirkaddu waxay intaas ku dartay in Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Maxamed Aadan Macalin Cali (Maxamed Soomaali), uu tegay goobta oo uu amray in la joojiyo burburinta, balse amarkii la baalmaray. “Wasiirku si cad ayuu u sheegay ‘joojiya burburinta hadda’, hase yeeshee ciidamada amarka ma aysan qaadan,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Tani waa ku-takri-fal awood dowladeed iyo ku-tumasho sareynta sharciga.”

SOON ayaa sheegtay in weerarku horseeday in adeegyo muhiim ah istaagaan. “Qalabkii isku xira hay’adaha dowladda iyo shirkadaha kale waa la gooyey; internet-kii iyo isku-xirkii caasimadda ee dhinaceenna wuu istaagay,” ayay tiri shirkaddu. “Xaruntan Boondheere waxay ahayd laf-dhabar isgaarsiineed oo si wadajir ah loo maamulaa tan iyo heshiiskii 2015 ee aan la galnay Wasaaradda Boostada & Isgaarsiinta.”

Shirkaddu waxay ku baaqday in la joojiyo hawlgalka iyo in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo saraakiisha ku lugta leh, iyadoo dalbatay magdhow. “Waxaan codsaneynaa faragelin degdeg ah, baaritaan madax-bannaan iyo soo celinta dhammaan adeegyada,” ayay tiri SOON. “Magaca dowladda in lagu gabbaadsado boob hanti gaar ah wuxuu dhaawacayaa kalsoonida canshuur-bixiyeyaasha iyo sumcadda hay’adaha.”

SOON waxay sheegtay in ay hayso caddeymo toos ah oo la xiriira dhacdada, oo ay ku jiraan sawirro iyo dukumentiyo. “Waxaan lifaaqnay sawirro iyo muuqaallo la qaaday 3–5 Nofeembar 2025, iyo diiwaanno farsamo (logs) oo muujinaya waqtiga adeegyada ay istaageen,” ayay tiri shirkaddu. “Waxaa kale oo jira dukumentiyada heshiiska 2015 iyo qoraallo rasmi ah oo ku saabsan wada-maamulka xarunta.”

Caasimada Online ma aysan helin jawaab degdeg ah oo ka timid Villa Somalia oo ku aaddan eedeymaha shirkadda.

Shirkadda ayaa ku adkaysatay in “weerarku yahay ku-tumasho sharci” ayna sii waday inay xog ururin sharci ah ka sameyso khasaaraha. “Waxaan ka shaqeyneynaa in maxkamad la horgeeyo cid kasta oo mas’uul ka ah burburinta iyo boobka,” ayay raacisay.

- Advertisement -

Read more

Local News