26.7 C
Mogadishu
Thursday, January 1, 2026

Shirkadda Transfer Galaxy oo ku guuleysatay abaalmarinta shirkadaha ee sannadkii 2018 

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Sweden – Maamulka Shirkadda lacag dirrista Habka casriga ah ee  Transfer-galaxy ayaa waxaa ay ku guuleysatay abaalmarintii labaad ee Shirkada ugu fiican shirkadaha sannadkii 2018.
Masuulyiinta shirkadaan ayaa waxaa ay mahad balaadhan u dirayna macaamisha ku xidhan  Transfergalxy.

Tartanka ay shirkada Transfergalxy ku guuleystay ayaa waxaa uu ahaa mid ay isku yimadeen Shirkadaha aduunka sida Google , klarna , Nike iyo kuwa kale oo badan.
Waxaana uu tartankani ka dhacey  Dalka Sweden magaalada Stockholm waxaana soo qaban qaabiyey hayada suuq geynta Sweden, shirkada  Transfergalxy ayaa waxay kaalinta kowaad ka gashey tartankaas oo dhacay taariikha marka ay ahead 06.02. 2019.
Guushan ay gaadhey shirkada Shirkada Transfergalaxy ayaa waxaa ay noqoneysaa markii Afraad ee abaal marin heer caalamiya ay ka gasho kaalinta kowaad , waxaana masuulyiinta Shirkada Transfergalaxy  guusha ay gaadheen ku sifeeyeen guul ay gaadhey  umada somaliyeed.

Guushan ay gaadhay Transfergalxy waxay si gaar ah ugu tahay dhiiri-galin Dhalinyaradda Soomaaliyeed Maadaama ay Shirkadan tahay mid ay  ay aas-aaseen Shan dhalinyaro Soomaaliyeed.
Shirkadu waxay dhawaan ka furtay fursado shaqo abuur wadanka Uk ,fursadahan ayaa ah in qofku hadii uu macaamiil cusub ku soo xidho  shirkeda uu heli doono Khidmad , waxaana  arintan sharaxaad ka bixiyey  Mustafe OSman oo ah madaxa suuqgeynta Shirkadda lacag dirista Transfer Galaxy.

“Hadii aad shirkada Transfergalaxy  Galaxy ku soo xidho 10 qof waxaan ku siineynaa 280 Bound oo lacagta UK ah , hadii aad ka sii badiso  oo aad nagu soo xidho  oo aad nagu soo xidho 50 qof waxaanu ku siineynaa 1400 Bound oo lacagka UK ah “ ayuu yidhi Mustafe Osman oo ah madaxa suuq geynta shirkada Transfer Galaxy
Ugu danbeyn Masuuliyiinta Shirkadda Casriga ah ee lacag dirista Transfergalaxy ayaa ugu baaqay in ay isticmaalaan adeegooda oo ah kii ugu fududaa uguna Jabnaa xaga khidmada lagaca dirista marka aad ehelkaaga lacag u dirayso waqti walba iyo goob walba.
- Advertisement -

Read more

Local News