Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiskii Dowladda Somalia iyo maamulka Jubba, ayaa waxaa ka mid ahaa in shir dib u heshiisiin lagu qabto magaalada Muqdisho, waxaase shalay la sheegay in shirkaas loo wareejinayo magaalada Kismaayo, taasina waxa ay dhalisay diidmada siyaasiyiinta qaar.
Cabdi Shire oo ka mid ah siyaasiyiinta Jubbooyinka ayaa sheegay in aysan ku qanceynin in shirka dib u heshiisiinta Juboyinka loo weeciyo magaalada Kismaayo.
Sababta ayaa waxa uu ku sheegay inay ka walaacsan yihiin in hadii la tago Kismaayo ay awood u yeelan waayaan inay ka hadlaan rabitaankooda si xur ah, waxaana uu sidaasi awgeed uu soo jeediyay in Shirka lagu qabto Muqdisho.
Cabdi Shire ayaa sidoo kale sheeegay in shirka dib u heshiisiinta waxyaabaha ay geen doonaan ay ka mid tahay sharci ahaanta Axmed Madoobe iyo Maamulkiisa oo uu sheegay inaysan sharciyad ku dhisneen.
Dowladda Somalia ayaa wada dadaal ay ku dooneyso inay ku qanciso siyaasiyiinta kasoo horjeeda heshiiska dowladda iyo Axmed Madoobe sidii ay ku aqbai lahaayeen dhammaan shirarka la qorsheeyey
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

