26.6 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Shirkii Madaxda IGAD oo baaq ku saabsan doorashada madaxweynaha laga soo saaray: Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Addis Ababa (Caasimada Online)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uga qeyb-galay shir madaxeedka 29-aad ee IGAD oo looga hadlay arrimaha Soomaaliya, kaas oo laga soo saaray baaqyo muhiim ah.

Shirka 29-aad ee IGAD ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyneyaasha gobolka ee ururkaas, waxaana diirada lagu saaray horumarrada Soomaaliya ay ka sameysay dhanka doorashooyinka, amniga iyo iskaashiga ay la leedahay dalalka gobolka ku yaalla.Madaxda IGAD, ayaa ayaa ku ammaantay dowladda Federaalka dowlad gobolleedyada, guddiyada arrimaha  doorashooyinka ku howlahan iyo ciidammada wadajirka ah ee Soomaaliya iyo AMISOM guulaha ay ka sameeyeen qabsoomidda doorashooyinka dadban ee Barlamaaniga ah, kuwaas oo hadda gabo-gabo ku dhow.

Sidoo kale madaxda IGAD ayaa ku baaqdey in la dadajiyo ilaa dhammaadka bishan  qabsoomidda doorashada madaxweynaha iyo guddoonka Barlamaanka, iyagoo u rajeeyey in arrintaasi ay u dhici doonto sida loo qorsheeyey iyo waqtiga loogu talo-galay in ay ku dhacaan howlahaasi.Madaxda IGAD, ayaa ugu baaqdey beesha caalamka in xayiraadda laga qaado xawaaladaha Soomaalida ee dibedda, si ay fursad ugu heleen ka qeyb-qaadashada kobaca dhaqaalaha Soomaaliya iyo isku xirka ganacsiga xooggan ee waddamada caalamka iyo Soomaaliya u dhaxeeya.

Madaxda IGAD, ayaa sheegtay in ay ku dedaali doono sidii dib loogu bilaabi lahaa dhoofinta xoolaha Soomaaliya iyo dalalka Carabta oo ay boqortooyada Sacuudiga ugu horreyso, taas oo macno weyn u leh xowliga dhaqaalaha Soomaaliya oo sannadaha soo socda la rajeynayo in uu sameeyo isbaddel ka duwan sidii hore.
Ugu dambeyn madaxda IGAD, ayaa mar kale baaq nabaddeed u jeediyey dhinacyada isku haya dagaallada ka socda waddanka Suudaanta Koonfureed, iyagoo sheegay in ay dedaal walba ku bixin doono joojinta colaaddaasi micna darrada ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News