25.5 C
Mogadishu
Saturday, November 8, 2025

Shirqool IRAN ay maleegtay oo lagu khaarijinayey safiirka Israel ee dalka Mexico oo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Mexico City (Caasimada Online) – Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ee ayaa qorsheeyay in ay khaarajiyaan safiirka Israel ee Mexico laga soo bilaabo dabayaaqadii sanadkii hore, balse isku daygaas waa la xakameeyay, haddana ma jirto khatar taagan, sida uu sarkaal Maraykan ah sheegay Jimcihii.

Sarkaalkan oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in shirqoolka ka dhanka ah safiir, Einat Kranz Neiger, uu socday illaa qeybtii hore ee sanadkan.

“Shirqoolka waa la xakameeyay, mana aha mid hadda khatar keeni kara,” ayuu sarkaalku u sheegay wakaaladda Reuters. “Tani waa tii ugu dambaysay ee taxane dheer oo ah beegsiga halista ah ee Iran ay ku hayso diblomaasiyiinta, saxafiyiinta, mucaaradka, iyo cid kasta oo ka fikir duwan, taasoo ah arrin ay tahay in ay si weyn uga welwelaan waddan kasta oo ay Iran ku sugan tahay.”

Sarkaalka ayaa diiday inuu faahfaahin ka bixiyo sida shirqoolka loo fashiliyay iyo tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan howlgalka.

Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa marar badan ku eedeeyay in Iran iyo wakiiladeeda ay doonayeen in ay weerarro rabshado wata ku qaadaan dadka ka soo horjeeda Tehran.

Hay’adaha amniga ee Britain iyo Sweden ayaa sanadkii hore ka digay in Tehran ay adeegsanayso wakiillo dambiilayaal ah si ay weerarro rabshado wata uga fuliyaan wadamadaas, iyadoo London ay sheegtay inay fashilisay 20 shirqool oo Iran lala xiriirinayay tan iyo 2022.

Tobaneeyo waddan oo kale ayaa cambaareeyay wax ay ugu yeereen koror ku yimid shirqoollada dilalka, afduubka, iyo dhibaateynta ee ay maleegayaan sirdoonka Iran.

Taliyaha sirdoonka gudaha Britain ee MI5, Ken McCallum, ayaa bishii hore sheegay in Iran ay “si ba’an” isugu dayayso inay aamusiso dadka dhaleeceeya ee ku kala sugan daafaha dunida. Waxa uu soo xigtay sida Australia ay u kashiftay ku lug lahaanshaha Iran ee shirqoollo ka dhan ah Yuhuudda, iyo sida ay mas’uuliyiinta Holland u shaaciyeen isku day dil oo fashilmay.

Israel ayaa muddo dheer ahayd mid bartilmaameed u ah Iran, gaar ahaan kaddib markii Israa’iiliyiintu ay dagaal cirka ah la galeen Iran, kaasoo ay ku jireen diyaaradaha wax duqeeya ee Maraykanka oo weeraray goobaha nukliyeerka ee Iran bishii Juun.

Israel ayaa marar badan dhankeeda beegsatay, oo khaarajisay saynisyahanno Iran u qaabilsanaa barnaamijkeeda Nukliyeerka iyo dadka kale oo xiriir la leh Tehran.

- Advertisement -

Read more

Local News