Kismaayo (Caasimada Online) – Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa galay maalintii labaad, kaas oo looga arrinsanayo xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo dastuurka.
Hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda maamullada Jubaland iyo Puntland ayaa weli ku jira shir albaabadu u xiran yihiin, iyadoo xogaha soo baxaya ay tilmaamayaan in isfaham hordhac ah laga gaaray guddoonka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Guddoonka golahan ayaa la sheegay in la siiyay Madasha Samatabixinta, oo ay ku mideysan yihiin hoggaamiyeyaasha mucaaradka, halka Jubaland iyo Puntland ay qaadanayaan xilalka ku-xigeenka iyo Xoghayaha Guud.
Gelinka dambe ee maanta ayaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo shirka, waxaana intaas ka hor sii soconaya kulamo gaar-gaar ah oo ay yeelanayaan madaxda kala duwan, kuwaas Oo ku saabsan sidii ay u samaysan lahaayeen isbahaysi dhexdooda ah, si ay u wajahaan xaaladaha siyaasadeed ee dalka.
Xubnaha mucaaradka ayaa lagu wadaa in xiritaanka shirka ay ka soo saaraan war-murtiyeed, kaas oo ay ku xusan yihiin waxyaabaha ay dhinacyadu isku fahmeen, iyo baaqyo la xiriira xaaladda dalka.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale lagu wadaa inay kulamo kale ku ballami doonnaan, si loo sii amba-qaado qodobada ka soo baxaya shirweynaha Kismaayo.
Si kastaba, madaxda iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee shirkan ka qaybgalay ayaa si weyn u dhaliilay hanaanka hoggaamineed ee Madaxweyne Xasan Sheekh, iyo tallaabooyinkii u dambeeyay ee uu qaaday.
Xubnahan ayaa si isku mid ah u sheegay inay hal jiho isugu raaci doonaan gunaanadka shirarkooda, si loo badbaadiyo dalka, sida ay hadalka u dhigeen.
Shirweynahan ayaa qorshuhu yahay in looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee ay hirgelinteeda waddo Dowladda Federaalka, xilli dhawaan goluhu si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan in muddo-kororsi loo sameeyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus ka soo saaray arrintaas.

