26.8 C
Mogadishu
Wednesday, November 19, 2025

Shirweyne looga hadlayo Caafimaadka Somalia oo Muqdisho ka dhacaya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta looga dhawaaqay shirweyne qaran oo looga hadlaayo arrimaha caafimaadka Soomaaliya.

Wasiirka horumarinta iyo adeega bulshadda Dr. Maryam Qaasim oo shir saxaafadeed ku qabatay garoonka diyaaradaha Muqdisho, ayaa sheegtay in bisha soo socota ee November uu ka furmi doono shirweyn looga hadlaayo horrumarinta caafimaadka dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegtay in shirkaas uu dhici doono 7-da bisha soo socota isla markaana uu socon doono muddo seddax cisho, ayna ka soo qaybgali doonaan dhammaan dhakhaatiirta ka howlgala dalka iyo kuwii howlgabka noqday.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegtay in shirkaas looga gun lee yahay siddii loo ogaan lahaa heerka caafimaad dalka iyo sida loo horrumarin karo, maadama 22-kii sanno ee la soo dhaafay aysan jirin cid ka warqabta xaalada caafimaad ee dalka.

Wasiir Maryan Qaasim, ayaa intaas ku dartay in muddadii burburka lagu arkay Soomaaliya cuduro aan la garaneynin iyo in la keenay dalka dawooyin dhacay iyo kuwa tayadooda ay lii dato oo ay ku xanuunsadeen dadka waaweyn iyo carruurta.

Waa shirweynihii ugu horeeyay oo looga hadlaayo arrimaha caafimaadka Soomaaliya, oo lagu qabto dalka Soomaaliya muddadii burburka dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News