Shuruudaha xisbiyada ka qayb-galaya doorashada 2020 iyo saamiga beelaha

Xisbiyada curdunka ah ee dalka ka hanaqaadaya waxaa saarran culeysyo fara badan oo dhan kasta ah, marka laga eego Khibrad-yarida Nidaamka Axsaabta ee guud ahaan dalka kajirta, caqabaha ku horgudban Xisbiyada waxaa ugu horreeya buuxinta shuruudaha sidii ay ku noqon lahaayeen Xisbiyo qaran, sida diiwaan-galinta 10,000 oo qof oo taageerayaasha Xisbi walba ah iyo xafiisyo in ay ku leeyihiin 9 Gobol oo kamid ah 18 Gobol ee dalku leeyahay iyo $1,000 oo ah Khidmadda diiwaangalinta Xisbiga ah.

Waxaa kale Xisbiyada usii dheer bixinta qarash dhan ($550,000 = 275 Xil. $2,000 )(shan boqol iyo konton kun oo doolar) in ay kusoo shubaan sanduuqa lacagta ee Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Qidmadan waxaa ay tahay Khidmadda diiwaan galinta Musharaxiinta Xildhibaannada Xisbiga sida uu qabo Qodobka 24-aad Faqraddiisa 4-aad ee Sharciga Doorashada.

Shuruudaha ka qayb-galka Doorashada Xisbiyada waxaa kamid ah isla markaana ugu weyn tahay isu-dheelitirka liiska Musharaxiinta Beelaha iyo tirada Musharaxiinta 275-ta Musharax. FG. waxaa kale oo jira 275 Musharax ku xigeenno ah marka loo baahdo in la buuxiyo kursi ama xubinta Xildhibaan ee bannaanaata sabab kasta haku timaado.

Caqabadaha ay la kulmayaan Xisbiyada waa habka isu-dheelitirka liiska Musharaxiinta iyo Qoondada Dumarka iyo keenista Musharaxiinta 275-ta Xildhibaan ee ka qaybgasha tartanka Doorashada oo ay beelaha udhan yihiin. Musharaxiinta ay helistooda adag tahay ayaa kamid ah Musharaxiinta kasoo jeedda Soomaaliland, sababtoo ah dadka kasoo jeeda deegaannadaas ayaa ah tirada ugu yar ee ku nool goobaha ay maamusho Dowladda Federaalka ah, tusaale: haddii ay dhacdo in Shan (5 ) Xisbi oo kaliya ay noqoto in ay ka qaybgalaan Doorashada 2020-ka waxaa Xisbi walba laga doonayaa inuu 61 Musharax Reer Soomaaliland ah. iyo 11 Senator, uu kusoo saaro liiskiisa isla markaana tirada guudna ay noqoneysaa, 72 Musharax oo Reer Soomaaliland ah ayaa laga doonayaa Xisbi walba.

Mushkiladda kale ee Xisbiyada ay la kulmayaan waxaa kamid ah sida Musharaxiinta loogu tixayo liiska, iyo qancinta Musharaxiinta sida loogu kala horreysiinayo 275-ta Musharax ee ka qaybgalaya xubnaha Baarlamaanka, shaxda liiska Musharaxiinta Xisbi walbaa wuxuu ka kooban yahay 30 xirmo, halki xirmana waxaa ay noqonaysaa 9 qof kuna salaysan 4.5, Sharciga Doorashooyinka wuxuu Xisbiyada farayaa isu-dheelitirka Beelaha, taas oo macnaheedu tahay isdhexgelinta beelaha ee liiska Musharaxiinta sagaalleyda ah. Tusaale ahaan sida Shaxda hoose ka muuqata.

Shaxdan tusaalaha ah waxaaa ay tahay in faham guud laga qaato habka isudheelitirka Beelaha iyo sida la isku dhexgalinayo, taas oo macnaheedu tahay in Sharcigu uu diidan yahay in Xisbiyada Beel gaar ah siiyaan xubno kabadan inti ay ku lahayd baarlamaanka hadda jira, isla markaana Xisbiyada ay noqon waayaan Xisbiyo beelaha wada matalo, Sidaas darraadeed ayuu Qodobka 22-aad Faqraddiisa 6-aad uga hadlay isku dheelitirka Beelaha Soomaaliyeed sida shaxda kore ku xusan, balse Xisbiyada waxaa ay xur u yihiin sida ay doonaan in ay u kala hormarinayaan liiska 275-ta musharax ay gudbinayaan iyagoo ku jaan goynaya shaxda 30-ka xirmo ee sagaaleyda ah Beeluhuna u dhan yihiin.

Liiska xubnaha Musharaxiinta waxaa asal u noqonaya isu-dheelitirka Beelaha si ay uhelaan fursad isku mid ah dhammaan beelaha Soomaaliyed, haddii Laba (2) Xisbi iskumid ka noqdaan liiska Beelaha Musharaxiinta, mudnaanta xulista iyo ansixinta Musharaxiinta Xisbiyada soo guuleystay waxaa lasiinayaa Xisbiga ugu codadka badan ee tartanka Doorashada ku guuleystay, Xisbiga ku xiga ayaa loo samaynayaa xulista iyo ansixinta Musharaxiintiisa wuxuuna soo buuxin doonnaa kuraasta Beelaha kale ee aanan ka helin xubintooda ee liiska Xisbiga isaga ka horreeyay ka dhiman, Xisbiyada 3-aad 4-aad 5-aad ayaa sii buuxin doonna dhamaan Beelaha kale ee ku qaday labada Liis ee ka horreysay ilaa Beel walba ka hesho xubinteeda Baarlamaanka Federaalka ay ku lahayd.

Beel walba ee hal xubin ku leh Baarlamaanka hadda jira, ma waynayso xubinta ay hadda ugu jirta Baarlamaanka mana heleyso xubno kabadan tirada hadda ay leedahay, Laakiin Xisbiyada waxaa ay Xaq u leeyihiin in ay kasoo dhex xushaan Beel walba dhexdeeda qofka (Rag & Dumar) ah oo ay doonaan in uu kamid noqdo Mushariintooda soo galaysa Baarlamaanka.

Gunaanad

Ujeeddada Qormadan isu dul taagtay Qodobka 22-aad Doorashooyinka ayaa ah fahamsiin iyo faah faahin guud ee aan ugu talogalnay in Shacbiga Soomaaliyeed iyo Siyaasiyiinta Xisbiyada, iyo cid walba oo danaynaysa Garoonka cusub ee Siyaasadda dalka. Qormadan laguma durayo Sharciga Qabyo-Qoraalka Doorashooyinka Qaranka ee horyaala Baarlamaanka Federaalka, Waxa kaliya ee aan uga golleenahay ayaa ah in Xildhibaannada, Xisbiyada, Siyaasiyiinta iyo Inta kale ee danaysa xaaladda siyaasadda dalka ay fikir guud ka qaataan gunta sharcigan si ay u helaan waqti ku filan oo ay ku fahmaan islamarkaana isugu diyaariyaan ka qaybgalka Doorashada 2020ka ayagoo fahamsan shuruudaha aasaasiga u ah Sharciga Doorashooyinka 2020-ka.

FG: Diidista ama Ansixinta iyo wax kabadellidda sharcigan waxaa shaqo ku leh Hay’adaha Dastuuriga ah ee u xil saarran, qoraalkan waxaan kala soo dhex baxnay qodobbo kamid ah Sharciga Qabyo-Qoraalka Doorashooyinka Qaranka ee horyaalla Baarlamaanka Federaalka.

W/Q: Muxudiin Iimaan
Muhyadiin7@hotmail.com