26.2 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Saciid DENI oo maanta kala diray maxkamadda ciidamada

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kala diray maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee maamulkaasi.

Sababta keentay kala dirista maxkamadda ciidamada ayaa lagu sheegay in cabasho isdaba joog ay soo gaartay Madaxweynaha, taasi oo ay la kulmayaan dadka rayidka ah.

“Waxaa la kala diray dhammaan Guddoomiyeyaasha, Garsoorayaasha iyo Xeer- ilaaliyayaasha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri wareegtada kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Go’aannada xabsi-xalaalaynta ah ee la xiriira denbiyada culus ayaa la sheegay in ay gaarayaan maxkamadaha racfaanka ee maamulka Puntland, inta laga soo dhisayo maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus.

Hoos ka akhriso wareegtada:

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 09 ee 28-da Oktoobar 2025, kuna saabsan kala dirida Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo Denbiyada Culus ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland:

Markuu arkay: Qodobka 80-aad, faqraddiisa 19-aad iyo Qodobka 87-aad ee dastuurka dowladda Puntland

Markuu arkay: Cabashooyinka taxanaha ah ee caddaalad-darro ee ka imaanaya guddoonka iyo Ggarsoorayaasha maxkamadda ciidamada qslabka sida iyo denbiyada culus.

Markuu tixgeliyey: Baahida dib-u-habeyn ee ka jirta guddoonka iyo xafiiska xeer-ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa la kala diray dhammaan guddoomiyeyaasha, garsoorayaasha iyo xeer- ilaaliyayaasha maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee dowladda Puntland.

2. Go’aannada xabsi-xalaalaynta ah ee la xiriira denbiyada culus waxa gaaraya Maxkamadaha Racfaanka ee dowladda Puntland, inta laga soo dhisayo maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus

3. Saraakiishii hore ee garsoorka maxkamadda ciidamada qalabka sida iyo denbiyada culus ee dowladda Puntland waxay dib ugu laabanayaan talisyadoodii.

4. Xeerkani wuxuu dhaqan-galayaa marka uu madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

- Advertisement -

Read more

Local News