26 C
Mogadishu
Thursday, November 6, 2025

Siciid Deni oo Imaaraadka u baxay xilli ay bannaanka timid xogta saldhigga Boosaaso

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta safar aan horay loo shaacin ugu baxay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, oo xiriir dhow la leh Puntland.

Deni ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe, isaga oo sii maraya magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaas oo uu uga sii gudbi doono magaalada Dubai, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Safarkan waxaa Madaxweyne Deni ku wehlinaya xubno ka tirsan qoyskiisa, sida ay sheegeen ilo wareedyo gudaha ah. Inta badan, Madaxweynaha Puntland ma wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa marka uu safarro dibadda ah ku baxayo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in safarka uu la xiriiro kulammo uu Deni la qaadan doono mas’uuliyiin iyo saraakiil sare oo Imaaraad ah. Si kastaba, dowladda Puntland weli faahfaahin kama aysan bixin safarka madaxweynaha.

Siciid Deni ayaa hore dhowr jeer u tegay Imaaraadka Carabta, waana dalka ugu badan ee uu u safro. Imaaraadka ayaa loo arkaa saaxiib istiraatiiji ah oo dhaqaale iyo siyaasadba ku leh Puntland.

Socdaalka Deni ayaa imanaya xilli ay bannaanka u soo baxeen xog ku saabsan saldhigga magaalada Boosaaso oo Imaaraadku u adeegsado dagaalka Sudan, iyadoo dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xaqiijisay in diyaarado ka duulay Boosaaso ay ka degeen gudaha Sudan.

Sidoo kale, dhawaan Qaramada Midoobay ayaa ku eedeysay Imaaraadka Carabta inuu jebiyay xayiraadda hubka ee saaran dalal ay Soomaaliya ka mid tahay, kadib markii la ogaaday in qalab milatari oo laga keenay Boqortooyada Ingiriiska oo loo iibiyay Imaaraadka lagu arkay gudaha Soomaaliya, iyadoo uu gacanta u galay kooxo hubeysan oo ka howl-gala Soomaaliya iyo Liibiya.

Warbixin ay soo saareen khubarada Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Imaaraadku uu qayb ka yahay shabakado si qarsoodi ah hubka u kala gudbiya, waxaana marar badan la arkay gaadiidka dagaalka ee nooca Nimr Ajban oo ay soo saarto shirkad Imaaraad ah, kuwaas oo lagu isticmaalayo dalal ay ka jiraan dagaallo iyo cunaqabatayn hub.

Warbixinta oo ay akhriyeen xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale xustay in Imaaraadku uu hub British ah siiyay kooxda RSF ee Sudan, taas oo dhalisay su’aalo cusub oo ku saabsan doorkiisa ku aaddan dagaallada gobolka Bariga Afrika iyo Saaxil.

Khubarada Qaramada Midoobay ayaa uga digay in dhaqanka noocan ahi uu khatar ku yahay xasilloonida gobolka, isla markaana uu sii hurin karo ganacsiga hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya, halkaas oo amni darro wali ka jirto.

Dowladda Imaaraadka ayaa si adag u beenisay eedeymahaas, balse dalal reer galbeed ah ayaa cadaadis saaraya in dib loo eego dhoofinta hubka iyo qalabka dagaal ee loo diro Imaaraadka, maadaama uu suuragal yahay in lagu isticmaalo goobaha ay colaadaha ka socdaan, sida Soomaaliya iyo Sudan.

Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer wajahayay eedeymo sheegaya inuu taageero oo uu hubeeyo ciidanka RSF, inkastoo Abu Dhabi ay iska fogeysay ku lug lahaanshaha colaadda. Si kastaba ha ahaatee, baaritaanno dhowr ah ayaa muujinaya doorka istiraatiijiyeed ee magaalada Boosaaso ay ku leedahay hawlgallada gobolka ee Imaaraadka.

Sawirro dayax-gacmeed ah oo la daabacay bishii Abriil 2025 ayaa muujiyay diyaarado waaweyn oo xamuul ah oo taagan garoonka diyaaradaha ee Boosaaso, taas oo sii kicisay walaaca ah in goobtaasi ay noqotay xarun saadka looga daabulo kooxda RSF.

Saldhigga Boosaaso, oo markii hore uu Imaaraadku u dhisay xarun tababar oo loogu talagalay ciidanka badda ee Puntland, ayaa hadda la aaminsan yahay inuu yahay saldhig si buuxda uu Imaaraadku u maamulo, isla markaana aysan wax kormeer ah oo macno leh ku lahayn mas’uuliyiinta Soomaaliyeed.

Dhanka kale, warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya in falanqeeyayaal sirdoon ay horraantii sanadkan sheegeen inay arkeen raadaarka hawlaha badan ee ELM-2084 Multi-Mission Radar oo lagu sameeyay Israel, kaas oo la dhigay meel u dhow isla saldhiggaas.

Nidaamkan oo ay samaysay shirkadda ELTA Systems ee laga leeyahay Israel, kuna shaqayn kara la socodka in ka badan 1,000 bartilmaameed, ayaa la rumeysan yahay in Imaaraadku rakibay iyadoo aysan arrintaas ka warqabin dowladda Federaalka Soomaaliya iyo baarlamaanka Puntland midna.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu oggolaaday meelaynta raadaarka iyadoo la raacayo heshiis qarsoodi ah oo lala galay Abu Dhabi.

Wararkan soo baxay waxay ku soo beegmayaan xilli ay jiraan caddeymo muujinaya istiraatiijiyad ballaaran oo Imaaraadku ku doonayo inuu saameyntiisa ku fidiyo guud ahaan Geeska Afrika.

- Advertisement -

Read more

Local News