Muqdisho (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online ayaa maanta oo (Talaado ah) waxa ay aragtiyo ka soo uruurisay dadka reer Muqdisho kuwaasoo ka warbixiyay sida ay u arkaan is-casilaada ra’iisal wasaaraha Soomaaliya uu u soo jeediyay madaxweynaha.
Qaar badan oo ah dadka aan la hadalnay ayaa ka soo horjeestay is-casilaada ra’iisal wasaaraha loo jeediyay, waxaana ay sheegeen in ra’iisal wasaaraha uu muujiyay dulqaad muddada uu xafiiska joogay, shaqadii uu lahaana uu la wareegay madaxweynaha sida ay hadalka u dhigeen.
Maxamed Cabdi waa 61-jir Muqdisho wax badan ku noolaa, wuxuu u soo joogay dowlado badan oo soo maray Soomaaliya burburkii ka hore iyo kaddib.
Wuxuu sheegay in madaxweynaha iyo koox kale oo la dhaho Dam-Jadiid ay la wareegeen awoodii dowladda oo ay sida ay rabaan ka yeeshaan.
“Anniga adeer waxaan is lee yahay madaxweynahu wuu qaldan yahay, waayo shaqadii ra’iisal wasaaraha isaga ayaa haya, haddana wuxuu lee yahay is-casil, muxuu marka hore u soo magacaabay isaga, tan kale awooda dalka waxaaba iska heesta kooxda Dam-Jadiid oo ah Islaax, waa nasiib daro” ayuu yiri Maxamed Cabdi.
Waxaa jira dad badan oo fikirkaas qaba, kuwaasoo leh madaxweynaha waa ka soo daray wuxuu rabaa in awooda dalka uu isku koobo.
Si kastaba, Amiina Sheekh oo noo sheegtay in ay la soo shaqeesay dowladii Millitariga waxa ay qabtaa in madaxweynaha uu ku saxan yahay is-casilaada uu soo jeediyay, waayo qofka haddii usan shaqeesaneynin waa in meesha laga bedalaa oo la keenaa qof shaqeesanaya, dowladda isaga xagiisa ayey ka fadhisaa” ayey tiri.
Warar lagu kal soon yahay oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online ayaa muujinaya in ilaalada xafiiska madaxweynaha ay maanta kala ceyriyeen dad dibad bax ka dhigi lahaa xarunta Villa Somalia, kuwaasoo ka soo horjeeda is-casilaada loo soo jeediyay ra’iisal wasaaraha.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho

