Aqbalaadda warqadda aqoonsiga ee safiirnimo: Waxaa jira habraac la yiraa “Agrément Process” oo ah nidaam diblomaasiyadeed oo dowlad kasta raacdo ka hor inta aan la aqbalin safiir cusub. Nidaamkan waxaa hagaya Vienna Convention on Diplomatic Relations (1961), gaar ahaan Article 4 (1 and 2). Tusaale;
Agrément Process – waa maxay?
- Agrément waa oggolaansho horudhac ah oo ay dowladda marti-gelinaysa safiirka cusub ay siiso safiirka dowlad kale ka hor inta aysan aqbalin.
- Haddii dowladda martida loo yahay aysan aqbalin qofka loo soo magacaabay (without giving reasons), waa xaq sharci ah in ay iska diido.
Maxay tahay sababta loo sameeyo taas..? Sababta ugu wayn waa:
- In la hubiyo qofka lasoo magacaabay uusan khatar ku ahayn amniga, siyaasadda ama xiriirka labada dal.
- In laga hortago Persona non-grata (PNG), xaalad ku timaadda ka dib marka safiirka la aqbalo.
- Waa habraac lagu ilaaliyo madax-bannaanida iyo amniga dalka martida loo yahay.
Baaritaanka iyo ogaanshaha xogta qofka (Diplomacy-ga):
Dowladda martida loo yahay waxa ay samaysaa (background check) la xiriira:
- Amni: xiriirkiisa hore, xiriir siyaasadeed, waxyaabo lid ku ah dalka (Qaranka).
- Diblomaasiyadeed: khibradiisa, akhlaaqda, sumcaddiisui hore
- Xiriir siyaasadeed: in uu ka tirsan yahay kooxaha mucaaradka ku ah dalkaas ama taageera argagixisada.
- Hay’adaha amniga iyo sirdoonka: dalka martida loo yahay waxa ay sameeyaan baaritaan buuxa oo (vetting ama Full Profilling) ah.
F.G: Nidaamkan hubinta ah mararka qaar waxa uu qaadan karaa 3–6 bilood ama ka badan, haddii loo baahdo.
Go’aanku waa (confidential), lama sheego sababta loo diiday Diplomacy-ga haddii la diido.
Go’aan
- Haddii lagu qanco (agrément) waa la bixiyaa oo la aqbalaa safiirka, haddii aan lagu qancin, waa la diidi karaa “without giving reasons” sida uu dhigayo (Vienna Convention).
Ujeedada qormadaan waxaa waaye, shalay Madaxwaynaha JFS Md. Xasan Sheekh ayaa warqadda magacaabista safiirnimo ka guddoomay safiirro uu kamid yahay safiirka cusub Ee dowladda Ethiopia Suleiman Dedefo. Waxaa xusid mudan in ninkaasu aanu horay u xitiraamin dowladnimada iyo wadajirka Qaranimo Ee Soomaaliya.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa leh masuuliyadda hubinta safiirka lasoo magacaabay. ma ninkaan ayaan background check-up lagu samayn mise waxaan uu qorayay ayaa wax caadi ah loo arkaa..? Ama aan dan laga lahayn..? Sidee qof sidaan u hadlaya loogu ogolaanayaa inuu ka howl-galo isla dalkii uu aflagaadaynayay..?
WQ: Musharaf Maxamed

