26.5 C
Mogadishu
Thursday, November 13, 2025

Sidee ayey xildhibaanada BF u arkaan cunaqabateynta lagu soo rogay wasiirada?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa inta badan warbaahinta magaalada Muqdisho qabsaday go’aanka Wasiirada Xukuumada Somalia looga mamnuucay la hadalka warbaahinta.

Warbaahinta qaar ayaa go’aankaasi ka wareysaneysa Xildhibaano ka kala tirsan labada Gole ee baarlamaanka kuwaa oo inta badan ka mideysan talaabada ay la hadalka warbaahinta ku mamnuuceen Ra’isul wasaaraha iyo ku-xigeenkiisa.

Xildhibaan Maxamuud Cilmi Abuukaate oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta Muqdisho, ayaa sheegay inay aad usoo dhaweynayaan go’aanka Wasiiradda dowladda looga joojiyay in ay la hadleen Warbaahinta , iyagoo aan Fasax ka heysan Xafiiska Ra’isul wasaaraha.

Xildhibaanka ayaa go’aankaasi ku tilmaamay talaabo aysan horay u qaadin xukuumada oo iminka lagu soo baraarugay fulinteeda.

Xildhibaan Abuukaate, waxa uu sheegay in laga wanaagsanaa in warqad lagu soo saaro go’aankaasi balse ay habooneyd in kulanka Golaha Wasiiradda looga sheego arintaasi.

Sidoo kale, Xildhibaan Abuukaate, ayaa cadeeyay in inta badan Xildhibaanada ay ka mideysan yihiin taageerida go’aanka Wasiirada looga joojiyay la hadalka saxaafada, maadaama ay xukuumadu horay uga gaabisay arrinkaa.

Haddalka Xildhibaan Abuukaate, ayaa kusoo beegmaaya xili Wasiirada lagu soo rogay amarkaasi aysan weli ka hadal arragtidooda ku aadan amarka la duldhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News